Monday, May 20th, 2013

Raisalwasaaraha cusub oo beri hor tagaya baarlamaanka Soomaaliya.

Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa lagu wadaa inuu maalinta berito ah hor tago baarlamaanka Soomaaliya si uu u weydiisto codka kalsoonida.

Xalay ilaa saakay ayaa waxaa madaxtooyada Soomaaliya ka socday kulamo gooni gooni ah oo lagaga arinsanayo sidii uu raisalwasaaraha u heli lahaa codka kalsoonida xildhibaanada Soomaaliya.

Masuuliyiinta sare ee Soomaaliya ayaa shirar gaar gaar ah la yeelanayay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya sidii ay codka kalsoonida u siin lahaayeen raisalwasaaraha.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in kulamada looga gol leeyahay sidii uu raisalwasaaruhu ka hor jeedin lahaa qorshe howleedkiisa baarlamaanka loona ansixin lahaa,

“Anaga koley Xildhibaano hadaan nahay, Baarlamaanka golihiisa sharci dejinta, xaq waxaan u leenahay wixii dowladda noo keenta inaan ansixinyo, waana waajib in ra’isul wasaaraha hor yimaado baarlamaanka hortiisa, maalinta Arbacada laga yaabee inuu yimaado oo la ansixiyo markii uu yimaado qorsho howleedkiisa markuu sheego kadibna la ansixiyo, baarlamaankana lagu hor dhaariyo, kadibna loo fasaxato golihiisa wasiirada inuu soo dhiso”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ay ku qaadatay soo magacaabista raisalwasaare Shirdoon mudo 26 cisho ah ayada oo tan iyo markii lagu dhawaaqay raisalwasaaraha cusubna laga dhowrayay inuu hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya si uu u weydiisto codka kalsoonida balse dhawaan ayay ahayd markii uu baarlamaanka Soomaaliya u qabtay laba cisho gudahood inuu raisalwasaaruhu ku hor yimaado baarlamaanka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply