Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay maxkamada ciidamada khalabka sida xukun ku riday ilaa 7 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Col. Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay ee dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay xukunka lagu riday raggaan ka tirsanaa Alshabaab isaga oo sheegay inay wada kulmeen gudiga amniga gobolka Bay iyo maxkamada ciidamada khalabka sida markaas kadibna markii cadeymo lagu helay raggaan la xukumay.
“Waxaa shalay kulan qaatay Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Gudiga nabadgelyada gobolka Baay, waxaana Maxkamad la soo taagay ilaa 7-ka tirsanaa Shabaab, markii loo helay cadeymo waxaa lagu kala xukumay 6-sano ilaa 8-sano”ayuu yiri Col. Mahad
Dhanka kale, Col. Mahad waxa uu sheegay inay xabsiyada ku jiraan dad kale oo lala xiriirinayo Alshabaab oo ay qaarkood ka dambeeyeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo horay looga geystay magaalada Baydhabo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com