Saturday, May 25th, 2013

Rag ku lebisan dharka dumarka oo lagusoo qabtay hawlgal ka dhacay Muqdisho.

Rag ku lebisan dharka haweenka ayaa waxaa lagusoo qabtay hawlga ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Raggaan ayaa ahaa 2 dharka jalbaabka ku lebisnaa iyo mid kale ayada oo lagusoo eedeeyay inay dhac ka geysanayeen dukaan ku yaala degmada Yaaqshiid.

Dhalinyaradaan ayaa dhaawac y geystay milkiilaha dukaan kahor intii aanay gacanta kusoo dhigin ciidamada nabadsugida iyo kuwa booliska degmada Yaaqshiid ee dowlada KMG Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ragga lasoo qabtay ka tirsanaayeen Xarakada Alshabaab balse cid xaqiijin karto malahan hadalka gudoomiyaha.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply