Sunday, May 19th, 2013

QURBAJOOGOOW IS XISAABI. Maqaal xiisa badan.

Murti Soomaaliyeed baa waxay tiraa, “MA WAXAAD U NOOSHAHAY INAAD WAX CUNTO MISE WAXAAD WAX U CUNTAA INAAD NOOLAATO”.  Dabcan waxaad wax u cuntaa inaad noolaato dabeedna aad wax u tarto awalan naftaada kadibna dadka intiisa kale.  Haddiise aad noqoto mid u nool inuu wax cuno keliya kolkaa waxaad noqoneysaa qof ku sifooba sidii geed aan har, miro la cuno iyo manfac kale toona lahayn.  Halbeegga qiyaaseed ee lagu qiimeyn karo waxtarka qofka bani’aadamka ahi waa saddex (3) siyaalood: waa hadba sida uu qofkaasi u bixiyo MAALKIISA, NAFTIISA iyo CILMIGIISA.  Walaalkeeyoow ogoow haddii saddexdaa sifo midkoodna aad yeelan weydo inaad tahay qof u nool inuu isaga wax cuno keliya oo waxtar iyo manfac kale toona u lahayn dadka intiisa kale gaar ahaan deegaanada uu kasoo jeeddo ee gudaha dalka.

Haddaba, qof waloowba adiga is qiimee intaan lagu qiimeynin – waxaad is weydiisaa ma gudanaysaa ama horey ma u gudatay kaalintii waxtar maal, naf iyo cilmi ee kaaga aaddanayd horumarka degaanada aad kasoo jeeddo ee gudaha dalka?  Maxaa kaa hortaagan, yaa kaloo u maqan dalkaaga iyo dadkaaga?  Ma saddexdaa (maal, naf iyo cilmi ama aqoon) ayaadan midkoodna awoodin?  Hadday jawaabtu noqoto HAA, waxaan Allaah kaaga baryeynaa inuu ku caafiyo illeyn nafyahay waad buktaaye.  Haddiise jawaabtaadu tahay MAYA, waxaan ku leeyahay kaalayoo soo dhowoow oo bal ila eeg qorshahaan gaaban.

Qorshahani wuxuu si gaar ah u khuseeyaa dadka ku nool jaaliyadaha dibadda ee ilaahay uu siiyey wax ka badan nolol maalmeeddooda ha joogaano Mareykanka, Yurub, Australia ama Carabaha.  Qof waliba oo ku nool dalalkaani waxaa sanad walba ku baaqanaya maal gaaraya ilaa NUS MALYUUN lacag ah oo ay wax uga qaban kareen mashaariicda horumarineed ee deegaanadooda; lacagtaasoo haddii la qiimeeyo qofka bixiyeyna faqiirteyneynin midka lagu bixiyeyna wax weyn u qabanaysa.  Ha ogaadaan jaaliyad walba oo ka kooban laba boqol (200) qof inay sanad walba oo dibadda ay joogeen ku baaqatay $480,000.  Tirada labada boqol qof waa uun qiyaas aan u isticmaalayo halbeed ahaane, dadku way ka badan karaan wayna ka yaraan karaan.

Haddii labadaan boqol qof la geliyo AYUUTO aan la qaadaneynin oo qof walba uu labadii usbuucba (fortnight) uu bixiyo boqol dollar muddo sanad ah isugeynta lacagta soo xaroota waxay noqoneysaa $480,000 (200 qof x $200/month x 12 months).  Kaba soo qaad inaad dibadda joogteen toban (10) sanno ($480,000 x 10 sanno = $4,800,000 (afar milyan iyo siddeed boqol kun).  Maxaad mooday hadday tirada jaalliyadaha, dadka iyo sannadaha dibadda la joogay ay ka badan yihiin intaas? Jawaabtu way iska caddahaye xuquuqda qof walbaahi ku maqan intaa way ka badanaysaa.

Bal qiyaasa toban sanno gudahooda tirada mashaariicda horumaneed ee lagu fulin karay lacagta tiradeedu cagacageyneyso SHAN MILYAN ($4,800,000) dollar!  Waxaa nasiib daro ah in maanta lacagtiina aan lahaynin dalkii iyo dadkiina aan looga faa’ideynin.  Waxaa kaloo hubaal ah inaan maanta la heleynin jaalliyad ay meel u taalo lacag intaa u dhiganta amaba ku dhow, markay qaylo soo yeerto ama baahi ay timaaddo ayuunbaa qaraan ururin la bilaabaa, waa marka loogu wanaagsan yahay!  Waxaa cajiib ah kolkay dadkii gudahana wax ka sugayaan kuwa dibadda, kuwii dibaddana ay wax ka sugayaan guwa gudaha.  Weli fursad baan haysanaaye ma is dabaqanaa mise sidaasaan ku wadnaa ilaa maashaa’allaah.

 

Ey tiringne maghaagheng isly tiirineyng.

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply