Cali yare waxuu ka kacay goor barqanimo ah oo dib ugu soo laabtey hawada waxaana dul timid cad ceeda barqanimo kadib waxuu kasoo boodey hurdada asaga oo soo milic sadey goobahii fadhi ku dirirka gaar ahaan maqaayadii alaabta uu dhigtey xalay markii uu soo gaadhey gudaha waxa uu qaatay biyo si uu meedho wajigiisa daqiiqado kooban ee uu ku mashquul sanaa nadaafadiisa ka dib waxaa loo keeney shaah iyo rooti si uu afka ugu dhufto sidaana waxaa sameeyey hor boodayaasha maqaaxida maadaama qof kasta cali garab siinayey oo laga dheehan karey inuu ahaa feelo laac ama wiil da,aadiisu aheed 15 jir, ka hor inta uusan cabin shaahii ayuu weeydiiyey mid ka mid ah howl wadeenada maqaaxida walaal mala gaarey waqtigii ay imaan lahaayen dhaanka ama owrtii ka imaaneyey deegaanada ay ku nooleed walashi “Zeynab” waxaana loogu jawaabey wali ma aaysan imaaan walaal lakin waaa la joogaa waqtigii ay imaan lahaayeen ee dhaqso oo quraadho si aad isku diyaariso baa lagu war galiyey cali yare oo marka fadhiyey.
Waxuu bilabey cunteyn si oo ugu hadaafo goobta ceelka ugana war sugo waxii ka yimaado halka uu ku wajahnaa markaas asagoo iska xaadiriyey durba salkana la heley dudun yar oo ku ak taalay ceelka taas o inta badan ku gal gashaan xoolaha markii aay ka fulaan cabida biyaha ama ceelka asagoo marba dhinac milic sanaayey kana war dhowraayey ineey wax uun soo muuqdaan aadna ula socdey dhaq dhaqaqyada ka socdey ceelka oo waaad garan kareeysaa qof wax sugayo siduu ugu jiri karo taxadar gooni ah markas.
Waxeey hul hee haabto qoraxdii waxaa la gaarey xili duhurnimo waxaana ceelka hareeyey xoolo fara badan oo markaas ka kale yimid deeganada kale gadisan ee hoos yimaado tuulada kuwaas oo aad mashquul uga dhigey ceelka iyo dhamaan baxdadahii ka ak dhawaa ka dibna cali yare waxuu dhax galay dad weynahii meesha iskugu soo xoomey asagoo qofba mar su,aalayey ma gareysaa walaasheey Zeynab ? shaki kuma jirin in cali yare mar uun islahaa yaa kuu beeytin doona abaayo macaan balse qof iyo nasiib kiisa lama kale celin karee subaxaa dadkii ceelka yimid waxaa ka mid ahaa aabo maxamed iyo abaayo Zeynab oo markaas wali aanan u bilaaban howsha ceelka iyo waraabinta xoolaha sidaa darteed waxeey ka mid ahaayeen dadka ku jira feelka kagana jiro qeybaha ugu danbeeyo oo isma aysan arki karin laba doodaba ,waloow cali uusan ka daalin weydiinta su,aalaha dad weeynaha ku soo xoomey ceelka ee kale duwanaa ilaa markii ugu danbeeysey uu arko aabe maxamed ka dibna la noqoto layaab midkii ebed soo mara waxuuna ku waashay alla aabo maxamed alla aabo maxamed oo intuu ku arodey hab siiyey .
Qof waliba waxeey la noqotey yaab u gaar ah oo cali yare waxuu noqdey maqsuut meesha ugu macaan asagoo mudo daqiiqado ah ku dhaganaa dhaxda aabahii maxamed ilaa farxad darteed la ilmeeyo oo indhahiisa kusoo istaagan ilin ka dibna waxuu yiri aabo macaane ina keen oo ii geey abaayo seynab, gacanta inta la qabtey cali yare ayaa waxaa loo geeeyey seynab oo horeeysey ama cel celineeyso xoolohi kuna yiri waa tanaa walaashaa seynab ee barasho wanaagsan “Allaha wanaag badanaa walaaltinimda oo qeymo weynaa cali iyo seynab waxeey dhulka ugu gal gasheen sidii labo qof oo dagaalamaya oo qof waliba shumiskii uu kasoo bilaabay madaxa ayuu ku geeyey majaha ilaa dadkii la yaaaban oo ay dawasho u galaan farxada iyo xiisaha dhax marayey cali iyo seynab ilaa maalin kaas laba doodaba la yiraahdo geed iska hoos fariista oo isla jooga annaga ayaan shubeeyno xoolaha maba kale gati gareeysaane,waxeeyna qeyb ka tahay islaamnimada,bani aadanimada,soomaali nimada,iyo tix galinta dadkaan walaalaha ah.
Cali yare kuma uusan qancin muuqalka seynab oo waxaa ka muuqdey daaal iyo daruufo aduun waxaana indhahiisa kusoo istaagtey ilin waxuuna dhahay abaayo maxaa kugu dhacay miyaad xanuun satay maxaa sidaan kuu galay seynab niyada ayeey u dhistey oo laheed waan caafimaad qabaa xoogaa abaaro baa ka dhacay gayiga waana laga baxay oo hada waxaan ku jirna barwaaqadii aduun alx waana la iska qurxanaa doonaa aboowe macaane sidaasna waxaa ku yara qancey cali kadibna waxaa soo dhamaadey shaqadii xoolaha reer maxamed na waay caraabeen oo u socdaaleen dhankaas iyo gurigii ay ku noolaayeen.
Intaa ha inoo joogto isbuucaana sheekadeenii lamaanahii wanaagsanaa waqtigaa kale geeyey intaan dib ugu kulmi doonanana waa waasuge oo idin lahe nabaadiino ka bogosho wnaaagsan miraha heesta “Gacalo” iyo Fanaanka maxamed xasan Lafoole” kabagosho
Wanaagsan iyo waliba nabaadiiino!!!>
Caashaqa ha guul guulin
Ha udiidin gogoshiisa
Gacalooy wanaageena
Ha ku dumin garaadkaaga
Garashada ha waydeeynin
Ha u guuxin nacabkaaga
Gurbood ka iyo dhalaankeena
Ha baneeynin garabkooda
Gudintaad afeeyneeyso
Ha ku gooynin midigtaada
Gibilsha iyo awrkeeda
Laba gees ha kala geeynin
Hadalka iyo go’aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo
Gocashada ha baadh baadhin
Ha ufiirsan godobteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Ha gar-geeyn jaceeylkeena
Imtixaanka gurigeena
Guddi odayo loo saarey
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lagbay gaadhey
Rag ninkaaney gabadhiisu
Gol daloolo ka ilaalin
Qayrkiisa garab jooga
Waligii ma gaadhaayo
Hadalka iyo go’aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo
Dhirta lama garaacaanka
Gunta xididka ha u saarin
Geed midhaha laga goosto
Geestiisa lama gooyo
Guryo samo adoo yaala
Abaar reer lama geeyo
Adoon sahan ku guureeynin
Geediga ha xiiseeynin
Gafka ruux intuu geeysto
Garawshiiyo laga waayay
Halka kibirku gaadhsiiyo
Gumartida ha loo joogo
Hadalkii iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo.
W/Q: Abwaan Ismail Abdi Aden “Waasuge”
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com