Thursday, May 23rd, 2013

Qaybtii 5aad Iyo Sheekadeeni “Lamaanihii Wanaagsanaa Waqtigaa Kala Geeyey”

Waxey isbuucii hore inoo mareeysey !! zeynab sidee ula jaan qaadi doontaa nolosha kalinimo maadama aysan guriga u joogin wax walaal ah ? saaxiibtii qura ay laheedna saaka ismacsalaameeyeen ? war jiraaba caraako ayuu imaaan.
Kusoo dhawaaada Qeybtii 5raad iyo shekadii xiisaha laheed ee lamaanahii wanaagsanaa waqtigaa kale geeyey oo halkeedii inooga sii socoto waana qalinkii ismail abdi aden “Waasuge”.

Zeynab waxee noqotay qof waqtigeeda inta badan ku dhameysata fakar iyo murugo waxaana sababta qof walba oo la kulma ama u lahaa aqoon hore is weydiinayey maxaa heley zeynab? Miyeey xanuun satay mase dhibaato kale ayaa lasoo daristey ? waxeeyna gaadhay heer aay dar yeeli weyso nolosheeda inta badan oo lagu canaanto inee is dar yeesho waana sababta hooyo caasho ugu tiri waxaa wanaagsan inaad ku qanacdo wax kasta ee kaaga yimaada xag alle hooyo iska daa fakarka badan iyo xasuusta hadii la nool yahay waa la’is wada arki doonaa hadaa lakala dhintana hade wax la isku awoodo ayaanba jirin.

Xaliima waxeey sii guleeysaba waxee gaadhay magaalada “kismaanyo waxeeyna halkaa kala jaan qaadey nolosheedu cusbeeed ayado furatay baal iyo nolo cusub una baryey waa cusub, sida uu u balan qaadey adeer “Baadil” waxuu geeyey goobaha wax barashada sida dugsi & iskuul halkaana waxaa loogu bilaa bey barashada quraanka kariim ka ah iyo luuqada farta soomaaliga! Waxeeyna aheed mid halkaa ka bilowdey nolol iyo dadaal intii aay awoodey waxeyna aheed qof qalbi furan horeyna kala qabsatay ku noolaashada magaalada iyo waxbarashadeed ba balse waxaan is weydiin mudan xaliima ma iloobi doontaa saaxiibteeda qaaliga aheed ee zeynab mase waay soo xasuusan doontaa ? waxaan kaga bogan doonaa qeybaheena danbe ee sheekada hadii allaha awooda sare leh inoo ogalaado.

Zeynab waxey isbuucii mar booqataa reerkii xaliima waxeeyna ka wareeysataa wax aqbaar ah ee ka soo baxey safarkii xaliima waloow kaliyah loo sheegey ineey nabad tageen balse intaa wax ka badan oo ka soo baxey ma jiraan baa lagu war geliyey seynab weeyna iskaga soo tagtaa intaa markii loo soo tabiyo, hadaba waxuu waqtigu sidaa ahaadaba waxaa dhamaadey naqii ama doogii nolosha miyaga iyo dadka dagaba waxaa u bilaabatey waqtigii jilaalka waxaana la gaarey in reer waliba karfantiisa madaxa ku duub to waana la kale hayaamey ama la kale geedi tagey!! Halkaana waxa isku weeyey reerahii muddada daris ka ahaa qoyskii zeynab iyo qoyskii xaliima!! Waxaana xirmatay halkii il ama wado ee zeynab ka heli jirtey aqbaarta iyo halka ay waxu marayaan xaliima oo waxaadba moodaa in xaalku haatan kasii adag yahay sidii hore maadama reerahii kale hayaameen ? noloshii baadiyahana gashay marxad aad u adag ee jiilaal zeynab na aheed qof xaalkeed ahaa bariga dhexe oo waxee saameyn weyn ku yeeshey safarkii xaliima.

Subax ayaa la kale guurey cid waliba waxeey abaarteey halkii aay is leedahay aleey lahe waad uga kabsan kartaa abaartaan ku baahdey dhulka soomaliyeed gaar ahaa deeganad aay markaas dagi jireen waxaan loo kale hayaamey dhanka qoraxdu kasoo baxdo iyo dhanka aay u dhacdo!! Halkaas waxaa kaaga cad xataa inaan loo wada guurin meel la isku soo baadi goobi karo,intaa waxaa kusii dheer in nolosha miyiga aaysan laheen meel ama goob la isku soo raadiyo,baafiyo,la’is kale xariiro oo waa waa qaab kale oo ka duwan tan magaalada ka jirta! Hadaba xaalku siduu noqon waa tallo rabbi ku filan.

Intaas ayaan kusoo gaba gabaynaa isbuucaan qeybtii 5naad iyo sheekadeenii “lamaanahii wanaagsanaa waqtigaa kale geeyey waa ismail “waasuge” iyo dhamaan bahda baidoamedia.com oo idin leh nabaadiino waxaana idin ku sogootin doonaa miraha heeesta macaan ee “ Waa Ley Heloo” waxaa dabcan ku luuqeeyo faanaanada caanka ah ee “Khadro Daahir Cige & Abdul Qaadir Jubba “ ……
{ K Bogosho Wacan }
waan ku haybinayoo
hurdo kaama ladoo
huqdaadaa i dishee haa haa..

jacayl waa halisiyo
hawl aduunka jirtoo
hebelaa u dhintee ahaa haa..

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida hadub magoogaan
kugu soo hirtaayee

nin haraad qaba oo
hogol roob arkayoo
hangadaan ahee ahaa haa..

hoobaantaa lulataan
soo haahaabanayee
hanqalkaan la kacee ahaa haa..

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida halafku reemaa
kaliday hugmaayaa

hadh cad baan lumayoo
ka habaabay rugtoo
lay haybinayee haa haa..

hilaacbaa i baxoo
waxuun baa ila hadloo
i hogaaminayee haa haa..

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida hadub magoogaan
kugu soo hirtaayee

nin halbawluhu
dhiig habayaan ahayoo
wadnuhu hawda hayee haa haa..

hayin gaabinayaan
hod caleenliyo doog
rayaankii ku raree haa haa..

waa lay heloo
waaba lay hayaa
sida halafku reemaa
kaliday hugmaayaa
W/Q: Ismail Abdi Aden “Waasuge”
Kale Xariir shimali02@hotmail.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply