
Lamaanihii wanaagsanaa waqtigaa kala geeyay.
Salaamulaahi caleykum dhamaan asxaabta hawada inagala xariidhay meel kasta oo aad dunida ka jogtanba Waa bahda baidomedia oo idil leh maalin wanaagsan kuna soo dhawada sheekadeenii xiisaha iyo kal Gacalka laheed ee “Lamanahii wanaagsana waqtiga kale geyey”
Hadaba sheekadani oo ahaan doonta isbuucle waxaan idiin soo gudbin doonaa maalin kasta oo axad ah
Hadii allaha awooda sare lahi ogolaado waxa qoray sheekada haatana idinla socod siin doona aniga oo ah
Ismail abdi aden “Waasuge” waa mar kale iyo sheekadii oo inoo bilaabata ee kabogosho wacan.
!!! Waxa ay aheed subax udgoon badan xalay waxaa da’ay roob miiraale ah oo harqiyey dhaman dhulka,
Dadka ku noolaa baadiyah waxa aay ka shekeysanayen roobka da’ay waxaana curatay deyr waagsan.
“Saynab” iyo qoys keeda waxa aay ku noolaan jireen miyaga soomaalia waxa ayna ahed gabar hor booda
Qoyska Reer “Maxamed”maadaama aabe maxamed uusan dhalin wax wiil ah gobdho mooyane.
Waxa aay ka toostay xili hore si aay xoolaha usoo maasho una qabato shaqada guriga waxa ayna aheed
Gabar howl kar ah kuna fir fircoon xaga shaqada iyo ka qeeyb qaadashada dhisida reer keeda,sida Caadadada aheedba “Saynab marka aay dhameyso shaqada guriga waxa aay raaci jirtay xoolaha gaar Ahaan ariga,subaxaa way faraxsaneed maadama roob da’ay xalay oo waxa ay laheed rajo wanagsaan
Oo waxaa bilaa biloow ahaa barwaaqadii Alle Swt ku maneeystay dhulka iyo dadka ku noola badiyaha.
waxa aay xoolaha u raacday meel had iyo jeer ay kula kulmi jirtay saaxiib teeda qaaska ee “xaliima” kadib
Kulankoodi barqonimo “Saynab iyo xaliima” waxaa dhax marey sheeko aad u macaan badan maadama ay
Ahaayeen saaxibo nolosha ka dhaxeyso oo waqti iyo waayo badana soo marey, waxee sacada gucleyso
Oo lawada mushaxo hadba la daawado dhirta lana qaato necowda carafta badan ee ka so baxday roobka
Waxaa dhamaadey waqtigii wana la is mac salameeyey oo la balamay kulan danbo iyo caafimaad badan.
“Xaliima waa gabar aad ujecel shekada iyo waqtiga ay la joogto saxiibteed “Saynab” waxa ayna mar kasta
Ugu duceeyn jirtay allow ku deeyso kuna sii guul iyo farxad aan dhamad laheyn abaayo,dhanka Saynab na
Waxee aheed mid kala siman oraahda ducada oo mar waliba waxa ugu jawab celin jirtay kawacan teyda.
Waa lakala tagay “Saynab” waxa aay usoo hoyotay si nabad ah waxayna sii guda gashay shaqadedi
Joogtada aheed ka dibna waxa ay soo ak fariistay hooyo “Caasho” Oo aheed eedo uu qabo aabo
“Maxamed” waxeyna uga shekeysay waqtigii macanaa ee maanta ay lasoo qadatay saxibaded “xaliima”.
Maama caasho waa eedo aad u wanaagsan had iyo jeerna waxey “Saynab” uga shekeyn jirtay taariikhda
Nolosheeda,dhaqanka soomalida iyo dumarka soomaliyeed wax qabadkooda iyo doorka ay nolosha ku
Leeyahiin,waxayna markasta ku waani jirtay inee noqoto gabar dadka xushmad siisa,xishoot yeelato,kuna Dadaasho Alle ka cabsiga iyo in laga amaan helo afkeeda iyo adinkeedaba.
“Saynab waxa ay aheed gabar Aad u dhageeysata hadalka eedo “Caasho” waxeena ugu jawab celisay waayahy hooyo macaan Qeyr Allaha ku siiyo adigana ayadoo raacisay waa xili danbo hooyo macaan ina xaree waan sexeynaa…
Qeybtii 1aad ee sheeekadeeni ” Lamanahii wanaagsan waqtiga kale geeyey” maanta inta ha inoo joogto,
intaan axada fooda nagu soo haysa mar kale dib hawada dib ugu kulmi doono waa “waasuge” iyo dhaman bahda baidomedia oo idin leh nabaadiino waxan idin kaga tagi doona heesta isbuuca iyo mira heestii “Waqti” iyo fanankii boqorka codka maxamed suleyman “Tubeec” dooqii saxibkey Abdi Casiis “dhagacade”
( Miraha heesta waqti )
Waqtiyow dhibaatada
hay isoo dhaweynine
dhalinyaro intaan ahey
waxaan ii dhameyneyn
sharafteydan dhawroo
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda
Waqtiyow dhul omosoo
wabiyadu is dhaafin
beeraha dhexdoodiyo
dhirtu ubax macaan dhalin
dhaayaaha u rooneyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda
Waqtiyow dhismaha guud
dowlada aan dhaliiloo
dhibaatadan i gaadhiyo
ka warqabin dharar qudha
dhaqankaan ku noolahey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda
Waqtiyow la dhaqan dumar
lama dhaafi karayee
dhalanteedka caashaqa
mid ah toban dharaarood
ama aanu dhab ka aheyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda
Waqtiyow dhulkaagiyo
adduunyada dhiskeediyo
dhaxalkiyo doogiyo
dhoobadiyo canbuushiyo
kugu dhaarshey diintee
arimaha aan kuu dhigey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda
Lasoco Qeybta 2aad ee sheekada isbuuca dambe haddi Allaha awooda lahi inoo saamaxo asc wr wb !!!
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com