QASHINKA DIB U HABEYNTA IYO DIB U ISTICMAALKA.
Noocyo iyo siyaabo kala duwan ayaa dib loogu Farsameeyaa,Noocyada-qashinka ee kala duwan,
balse inta aan hoos ugu degin,siyaabada dib loogu Farsameeyo,aan horta Tusaalle yar ka bixiyo,
Qeexitaanka noocyada dib u habeeyn ee Dunida ka jirta.
>Dib u adeegsigu(Re-use) waa in alaabta-qashinka aheyd,mar labaad loo isticmaalo isla tabtii horay loogu isticmaalay.
>wareeg Isticmaalku(Re-cycling) waa dariiqadda loo maraayo in alaabtii-qashinka aheyd loo gediyoama loo bedelo,alaab
ilo kale looga faa’ideysanaayo,iyada oo dib loo warshadeynaayo.
>Xaruunta dib u qeeymeynta& dib u xareynta(Redemption center) waa shirkadaha ka ganacsada qashinka ee gata qashin-alaabeedka dib loo
warshadeyn karo oo hadana ka sii gata Dullaaleyda-qashinka,kuwaas oo mararka qaarkood lagu magacaabo,Xaruunta-dib u gadashada(Bay-back center).
Marka hore waxaa loo baahanyahay,in howshani ka bilaabato,sharci&heshiis-qaran oo ah,heer caasimad,Gobol,Degmo.
Sharcigaasi waa in uu ahaadaa mid sahlaya shaqooyinka,Baakadeynta,qashin wax ka sameynta,dib u qaabeynta&dib u habeynta,kuwaasi ayaa loo baahanyahay
in ay Dowladaha/hoose u sameeyaan Barnaamijyo lagu hubinaaya Heerka& Nuxurka-qashinka,si loo helo Qeymihiisa in uu geli karo dib u adeegsi,
wareeg-isticmaal,isku-dhis,wax ka sameyn&in uu galaayo-Bulaacad aan ka soo noqod laheyn
Wadanka-Soomaaliya,waxa kaliya ee si dhaqan ahaan u dhaw oo Luuditaan ah ugu jiray,tan& bur-burka ka hor,nidaamka dib u isticmaalka iyo
dib u warshadeynta qeybo ka mid ah,Dhalooyinka ay ka dhamaadeen (SALIIDA-MADAXA&kuwa CATARKA),waqti danbe waxaa soo wehliyay
Dhalooyinka ay ka dhamaadeen(Cabitaanada,Fanta,kookada,Aranjaatada),iyadoo la arkaayay Niman Jawaano wata oo xaafadaha dhex-wareegaaya,oo
Haweenka&Caruurta,Shilimaad-rakhiis ah ka siinaaya,waxaa kaloo jiray oo aan la ilaawi karin,farsamo-yaqaano iyagana Taayarada(Lugaha) Baa-buurta ka sameyn jiray,Kawo,oo aay badanaa isticmaalaan Reer-baadiyaha.
Waxaa wax lagu farxo ah,iyadoo dhawaan laga furay Magaalada Muqdishow, warshad dib u habeysa Caagaga ay ka dhamaadeen Saliida&wixii la mid ah.
Si qashin dib u isticmaal loo waafajiyo,nidaam-caafimaad dhowr ah,oo ka hufan Wasakh-haraadi ama dib ka soo gal ah,
waxaa lama huraan ah in ay Warshadaha dib u habeeya-qashinka,oo dhan shaqaaleysiiyaan,si ay u hormariyaan socodsiinta dib-u warshadeynta&dib u farsameynta,Takhaatiir,khabiir ku ah howsha ka socota warshadda,si uu u hubiyo ka dibna u ansixiyo,Dowladaha-sookoraayana u siiyaan Rukhsado-ay ugu
ganacsadaan(Licenses) ganacsatadaasi ku howlan ka ganacsiga-qashinka.
Lasoco..
Waa-qalinkii,Lecturer,Cali Cabdi Abuukar(BAAB)
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com