QEYBAHA QASHINKA.
Kadib marka si hufan loo soo kala sooco qeybaha Qashinka oo nooc walba meeshii ama halkii loogu tala galay
lagu soo aruuriyo,waxaa qeyb walba loo qaadayaa Warshadii-khuseeysay,ama meeshii lagu farsameyn lahaa si looga
soo saaro Sheey-nafci leh.
Waxyaalaha looga kala faa’ideysanaaya-qashinka,waxeey ukala gedisanyihiin(duwanyihiin) hadba sida ay noocyada-qashinka
u kala gedisanyihiin.Tusaalle> aan u soo qaadano qaar ka mid ah qashinka iska daadsan,Deegaamadeena kuwa ugu dhibka badan.
>Bacda na dhibtay ee Darbi,Geed,walba ku dhegan,ama bideysa,waxaa laga sameeyaa Qalabyo fara badan oo qaali ah,oo ay ka mid yihiin:-
>Danbiilo noocyo kala gedisan leh,Baalayaasha-nalalka,Danbiilaha-qashinka lagu aruuriyo(Dust-bin),Bacda-miisaska lagu goglado,Xargaha wax lagu xirto
Kuraas,Saliingadaha-cirbada,High density polythene Element(HDPE),Iwm.
>Waraaqaha&Joornaalada,lanacay,iyagana waxaa laga sameyn karaa Alaabooyin-qeymo leh,oo ay ka mid yihiin,Waraaqaha loo isticmaalo-qoraalada,
kuwa loo isticmaalo footo-koobiga(photo copy)waxaa kaloo isticmaalaa waxyaabo badan oo ay ka mid tahay,isku-qas kiimikooyin dhanaan ah oo loo
isticmaalo ka hortaga faafitaanka bakteeriyada(Bacteria).
BAAKADAHA IYO KARTOONADA.
Waxaa dib loogu sameyn karaa,isla noocii ay markii hore eheed,waraaqo-qoraal,ama daabacaad,waraaqadaha waaweyn ee loo
yaqaano(Manila paper’s),Tubooyin-jilicsan.
>Digada-xoolaha,siiba tan L’oda waxaa looga faa’ideysanayaa Dhuxul la shito,Beeraha oo lagu bacrimiyo,Guryaha o lagu malaaso ama lagu dhoobo,
Laamiga oo lagu adkeeyo,&waxyaabo kalo oon cilmi baaristooda weli dhamaanin oo lagu howlanyahay.
>Uuska,laga baneeyo xoolaha ee Kawaanada&Warshadaha-wax lagu Goowraco,waxaa looga faa’ideysan karaa Bacriminta Beeraha,
hadii la warshadeeyo waxaa laga sameyn karaa Gaaska wax lagu karsado ee loo yaqaano(Bio gas).
>Maqaarka(Haraga) xoolaha waxaa laga sameeyaa Qalabyo Adeeg&Labis(xarago) oo aad u badan,ayna ugu horeeyaan Kabaha,Suumanka,Boorsooyinka,Tiif,Hu’,
iyo weliba wax yaabo badan oo loo iib geeyn karo Dibada.
>Geesaha-xoolaha,waxaa laga sameeyaa Dhoobabka loo isticmaalo Cabitaanka&Qurux,See-sarada,Tubooyin,Miisas,Kurass,Cunto lagu nafaqeeyo Xoolaha,
Macdano laga sameeyo Daawooyinka-Dadka isticmaalaan Iwm.
>Lafaha-xoolaha,waxaa laga sameeyaa kadib markii la shiido ama dib loo warshadeeyo,Cuntooyin&Daawooyin badan oo Nafci u leh Dadka&Duunyadaba.
Inta la shiido,oo la budeeyo ayaa la qasacadeynayaa ka dibna lageeyaa Suuqyada iyaga oo ah,Cunto-Cimrigeedu dheeryahay.
Waxaa lagu nafaqeeyaa Dadka si aay ugu dhismaan Lafaha qofka,xoolaha la dhaqdo.
Waxaa kaloo looga faa’ideysankaraa Malaayga Badda ku jira,sidoo kale waxaa lagu bacrimiyaa Beeraha.
>Lasoco…
>Waa qalinkii,Lecturer,Cali Cabdi Abuukar(BAAB).