(Qeybta 2aad) MAAREYNTA & KA MANAAFACAADSIGA QASHINKA.‏

<

In kasta ha gaarto,xajmiga & Tayada badeecadaani,waxaa mudan in la xuso Dunida soo koreeysa ee maanta isku howleysa

Qashin-dhoofinta& Qashin-dib uwarshadeynta,aysan weli xoogga saarin in ay raacaan Qawaacidda lama dhaafaanka ah ee u dhigan,

dib ugu faaideeysiga Qashinka,iyada oo la tixraacaaya Qawaaniinta-caalamiga ah ee la xiriirta Badbaadinta Bii’ada(Deegaanka),waxaana

ka mid ah khaladyada ay galaan,in aysan badanaaba ka badbaadinin, marka Qashinka la Dhoofinaaya la isku dhax-qaso,qaar-nadiif ah iyo

qaar aay ka buuxdo SUN ama Waxyaalo-kale ee Jeermis(Germ’s) cudura-dhaliyayaal ah ku jiraan.

Isku qaskani haku dhaco si ulakac ah,ama si kama’& dayac ah,waa mid aan marna la inkiri-karin.

Sidaasi darteed waxaa loogu baahanyahay Hey’adaha Dowladaha/hoose & Hey’adii kale ee ku shuqulka leh,ama ku howlan Nadaafada

in ay ka foojignaadaan qaladaadka noocaasi ah,ee ka soo horjeeda sharciga Aduunka ee Bii’ada (Deegaanka).

Aqoonyahanada Cilmiga Bii’ada (Ecology)ee wadamada soo koraaya,waxeey in badan ka digeen khaladaadka noocaasi ah ee mar walba ka dhaca

ganacsatada-qashinka,siiba kuwa ka dhex ganacsada Dunida soo koreeysa,waxeeyna ku Baaqeen,in kuwa sida ula kaca ah ugala Dambiyadaasi la soo

qab-qabto si loo horkeeno Maxkamadaha-khuseeya.

Badanaa waxa uu dhacaa dayacaasi ulakaca ah,marka lakala Dhoofsanaaya Qashimada ay kamidka yihiin:-(Bacyada,Baakadaha&waxyaabaha Blaastikada ah).

Waana arin cabsi aad uweyn laga qabo in ay taasi dhacdo,ugu danbeyntiina ay Dunida oo dhan ku faafto,si loo xakameeyo ama loo joojiyo waxaa laga dejiyay

oo laga soo saaray Sharciyo wax ku ool,noqonaaya hadii ay ku dadaalaan qolo walba dhaqangelintooda.

Tusaalle>Axdigii Basel,(Basel convention on Trade in Hazardous wastes),ee ku saabsanaa ka ganacsiga Wasakhda,Dhibka khatarta ah leh,ee lagu kala saxiixday

Kanada(Canada) kaasoo dhaqan-galay sanadii,1992,waxaa ku jira Qodoba-xusay sida ay labada&wixii ka badan ee Dowladood,Shirkadood,ama Afraad ee ay Howshani

dhex mareeyso ay ugu hortagi lahaayeen in ay Faafiyaan, Sun-Khatar ku ah Dadka & Duunyada,Berri&Badba.

Wadanka Soomaaliya waxa uu ka mid noqday Axdigaasi,Bishii,July,2001.

Lasoco-qeybaha kale.

 Waa,Qalinkii-Lecturer,Cali Cabdi Abuukar(BAAB)

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID