“ Qeybtii 9aad Iyo Sheekadeenii Lamaanahii Wanaagsanaa Waqtiga Kale Geeyey “Is xasuusin halka ay inoo mareysey isbuucii hore sheekada ban aan eegno si aan halkaa uga anba qaadno qeebaheeda kale hadii alle swt raali ka noqo kadibna waxaa soo dhamaadey shaqadii xoolaha reer maxamed na waay caraabeen oo u socdaaleen dhankaas iyo gurigii ay ku noolaayeen.!!!!
Waxaa biloowdey socodkii waxaana la abaarey halkii uu jirey reerka iyo goobtii guriga waxaana qofba qofka kale weydiinayey su,aalo iska caadi ah haba ugu badnaadeed weeydiimaha ku saabsan hiloowga baahada weyn ee u dhaxeeya labada walaal,waqtigu waxuu rucleeyaba sheekaduna sii macaataba waxa la gaarey gurigii oo loo tagay hooyo caasho oo fadhida banaanka hore ee guriga ayadoo hal mar loo sheegey in wiilkani yahay cali yare oo muddo badan ay dhagaha ka maqli jirtay maadama uu dhalay odayga reerka halkaasna waxa isku bartay wiil iyo hooyadii ama eedadi hadba sida aad u garaneeyso.
Qoraxii baa dhacay dadkuna waxuu isku diyaariyey jiif lakin habeenkaa bah maxmaed hurdo maysan ladino oo labadoodaba inta shah sameeysteen xoolahana kazoo maasheen caano waxa aay isla fariisten aqalka geeskiisa halkaan waxaa lagu falanqeeyey waxii sheeko ama warbaxino la,isku haayey ilaa waaga kazoo iftiimo lama kale seexan oo wax yar beey indho gaduudsadeed subaxdiina horey u wada raaceen xoolahii oo isla aadeen duurka iyo halkii xoolaha loo raaci jirey si markaas aay iskaga bogtaan sheekada u qabyada aheed waxaana subaxaa zeynab aheed mid aad uga quruax badan sidii hore maadama ay is haleen walaalkeed ka yaraa nolosha markii ugu horeeysey xili aaysan mudoyinkaas farxad soo marin.
Sheekoba sheeko ayaa lagu keenaa waxaa lasoo hadal qaadey saaxiibtii rumaad ee xaliima oo aad looga faaloodey maadama aaysan aheed qof la hilmaami Karin oo waxaa sharxaad guud ka bixiyey zeynab oo marnaba aaysan ka baxi Karin qalbigeeda iyo xasuusteedaba halka cali uu aad ugu dhaga taagayey inuu dhab ahaan ogaaado qofka aay tahay xaliima maadama markii aay soo hadal qaadey seynad ineey ka faalooto saaxiibteed xaliima mar qura is badalay dareenkeeda iyo jawigeedi caadiga ahaa waxa ayna mar kasta ku celcelineysay alla manta waxaa igu wanaagsaneed inaan wado joogo sadaxdeene si aas dadka iskaga dhax barano lakin maysan dhicin allow annagoo nabad qabna isku keen soo celi bey tiri zeynab.
Zeynab oo wali hadalkii sii wadata ayaa tiri aboowe adiga baa magaalada joogee raadi abaayo xaliimo hadiiba aay nooshahay aniga waan kale fogaanay oo xataa reerkeedii waxaa nakala ceyriyey abaarahii foosha xumaa ee aafada u geeystey gayigeena soomaaliyeed sidaa darted walaal baadi goob hadii aad tagto magaalada ayado markaas qosol iyo reyn reyn dartii isku duubtey walaalkeedii wacna ee cali yare.
Cali yare mudo bil ah ayuu joogay baadiyaha iyo reerkiisa halkaana waxuu si wanaagsan usoo kale bartay dhamaan waalidkiisa iyo walaashiisi wanaagsaneed ee uu darted u yimi miyiga waxuuna shir la qaatay aabo maxamed oo isku soo hadal qaadeen inuu ku rajo weyn yahay inuu baadiyo ka kaxeeyo dhamaan bahda asagoo sheegey inuusan la jecleen in dhibaatada ka jirto baadiyo soo gaadho qoyskiisa balse aabo maxamed uma dhaga daloolin sheekada wiilkisa cali yare sababtoo waxuu ogaa in cali yare uu yahay wiil aad sidaa u weyneen sidoo kale uusan damaanad qaadi Karin reerka maadaama uusan heysan shaqo iyo aqoon uu ku meel mari karo waxuuna asagoo dhoolo cadeynayo niyadana u dhisayo cali ku yiri aabo macaane waan ogahay inaadan waxba inoo reebanin allaha kuu rumeeyo riyadaada iyo hamigaadaba.
Maalin ka mid ah maalmaha waxaa la gaarey kalkii xoolaha iyo ceel geeyntii si loosoo waraabiyo loona soo adeegto waxaana subaxaa howshaa galay cali iyo seynab oo aabe maxamed waxaa lagu yidhi iska naso manta anagaa howshan soo kale tuureeyno ka dibna waxaa loo dhaqaaqey dhabahii ku wajahnaa ceelka waxana lagu heesey xoolahii oo waxaa si heer sare leh codkeeda ugu dhawaqdey seynab oo lahed aqoon wanaagsan sida xoolaha loogu heeso halka calina uu jiibinayey markaa asagoo mararka qar qosol afka furanaayey maadama uu la yaabanaa qaabka iyo habka xoolaha loogu heeso sababtoo ah wali muusan arkin xooolo iyo miyigaba oo waxuu iska ahaa dhal magaalo kuna bar baarey magaalada.
Intaas maaanta ha inoo joogto sheekadeeni “Lamaanahii wanaagsanaa waqtigaa kale geeyey qeybteedi 9aad intaan dib u kulmi doono ibuuca xiga waa “waasuge” iyo dhamaan bahda baidomedia oo idin leh nabaadiino waxaana idin kaga tagi doonaa miraha heesta “Zagal” iyo fanaanka da’da yare e nuuradiin.
“Ka Bogosho Wacan”
Zamzameey jacaylkeenu
Sagal iyo Duruuriyo
Sahaydeenayoo
Allahii na siiyaa
Nagu simay wanaagoo
Samahaynu joogniyo
Saadaashu waa guur
Saadaashu waa guur
Saqda dhexe habeeniyo
Subax hore salaadiyo
Saacadii la joogaba
Wadnaha baad surantoo
Nafta waabad sidataa.
Zamzameey Arooskeenu
Saxansaxo udgooniyo
Sifaheena weeyoo
Ana seexan waayee
Siraadkii aduunkaay
Sinaan aan wadaagniyo
Saadaashu waa kheyr
Saqda dhexe habeeniyo
Subax hore salaadiyo
Saacadii la joogaba
Wadnaha baad surantoo
Nafta waabad sidataa.
W/Q: Ismail Abdi Aden “Waasuge”
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com