Xasuuusin isbuucii hore waxey inoo joogtey waxuuna bilaabey isku daba ridka safarkiisi asagoo markii ugu horeysey kasoo muuqdey goobaha boosteejooyinka ee laga raaco gawaarida..
“Cali Yare” waxaa ku dhacay gaarigii waxuu u dhaaqey halkaa iyo miyigii ay ku nooleed walaashii seynab intii uu gaariga sii saarnaa waxuu ka fakarayey lakulankii seynab iyo qoyska aay la nooleed sida hooyo caasho iyo aabo maxamed, cali aqoon buuxdo uma uusan laheen hooyo caasho waloow uu maqli jirey magaceed marar badan iyo aabo maxamed uusan arkin dhawaan taan aad uu ugy xiiso qabey.
Intii u gaariga sii saarnaa cali yare lama uusan sheekeysan rakaabka kale ee la saaran gaarigiga ee waxuu ahaa qunyar socod kaligii meel iska fadhiya aadna u yaraa oo dadku weey hadba su,aala yeen halku uu safarka u galayo iyo sababta uu kaligii uu soo safrey iwm lakin cali waxuu ahaa qof si wanaagsan ugu jawaab celiyo dadka una sheego sababta ka danbeeysey inuu safro iyo kali socodka waqtigaan ah, mudo markii gaarigii socdey waxaa la gaarey dhulkii baadiyaha ahaa ee rabbi ku maneeystey roob dhirtuna waxeey aheed mid carafteeda ka bogon karey qof kasta ee saaran gaariga waa sababta cali yare dad ka weyn ee la saaarna gaariga u weeynayey su,aalo fara badan asagoo codsadey in loo sheego dhirta kale duwan ee ku taala hareerha jidka ama laamiga u gaari ku socdey maadaama uu ahaa indho baqaaq yare.
Waxa uu hadba gees eego waxeey indhahiisa qabteen xayawaano qurux badan ee fadhiyey meel gal ah oo biya ka buuxeen gaarigana waa la joojiyey si dadku u dukado salaad casar oo markaa la joogey dadkiina waxeey ku xoomeeyn halkii biyaha u jireen xayawaankii waxuu u dhaqaaey meel aan sidaa uga dhereyn goobta,waxaad moodaa in quruxda dhirta iyo xayawaanka iyo biyahuba la haayeee soo jiidasho aad u macaan badan leh dareen gooni ah maadaama cali yare oo waligii imaan baadiyoba la dhacey quruxda.
Daqiiqadahii lagumashquul sanaa dukashada salaada cali waxuu ka mid ahaa dadkii ku dukanayey waxaa dib loo fuurey gaarigii halkaasna waxaa ka biloowdey guureeyn habeenimo iyo safar aad u xiiso badnaa, qaar ka mid ah dadka gaariga weey iska hurdeen maadama aay ahaayeen dad reero safar ah lakin cali habeenkaas indho isku geeynin ee waxuu dhax maquuranayey mojado xiiso badan asagoo aad iyo aad u jecleeystey neecoowda udgoon ee kasoo ee kasoo baxeeysey dhirta goor dhaweed haleeley roobku waxuuna hadba gees ula leexanayey geedaha ilaaa markii danboo uu gaar heer uu kaligiis isla hadlo inta is iloobey marna qoslo,waxuuna lasoo boodey runtii baadiyo waan maqli jiree sidaan uma moodi jirin.
Waxaa soo bikaacey waagi dadkuna waxee mar kale u dageen gudashada salaada subax halka dadka qaar ka mid ahna ilmaha soo dajinayeen si loo keedsheeyo waana nolol midii ugu macaan badneed oo qofkii tagey miyiga ayaa dareemi karo jawigaas qofka ku jiro xaaladiisa meesha aay mareeyso iyo faraxada ku hareeyreeysan,si kastaba ha noqotee halkii ayaa laga sii wadey safarkii cali baa subaxaas dadka uga sheekeyey waxii xalay dhacey markii aay hurdeen asagaoo kulaa maahan inaad hurudaan waayo intii magaalo aan soo joognoo dhan waan hurdi jirnee xalay maxaa loo seexdey waa qasaarteen.
Saacada waxeey gucleeyso hadba gees timaado xili galab gaaban baa lasooo gaarey goobtii cali uu rabey waxuuna ka dagey gaarigii asagoo dadka tuuladan uu ku gadeyna weydiidey reer maxamed halka aay dagan yahiin waxuuna horey u galay qaar ka mid ah maqaayadahii ku yaalay tuulada asagoo u fariistey casho maadama uu soo galay safar aad u dheeraa halkaaasna waxuu kula kulmey dad cusub nolol cusub iyo goob cusub oo uusan waligii arkin xataa maqlkeedu ku yaraa waxaana loo sheegey inuu sugo ilaa bari galab si uu u raaco dhaanka ka imaanayo goobaha ay dagan yahiin reer maxamed halkaas buu habeen kii seexdey asagioo aad ula daaala dhacayey dhacsaaal xoogan xili uusan seexan in ka badan 48 saac ee lasoo dhaafey!!!!! Intaaas ha inoo joogto sheekadeenii isbuucaan intaan dib iskugu imaan doonana waa ismail abdi aden “Waasuge” oo idin leh cafis iyo caafimaad dhamaan asaxaabta hawada nagala xariitaay.
Waxaan idin kaga tagi doonaa miraha heesta “Beeni Raad Ma Leh” dabcan waxaa ku luuqeynayo fanaanka caanka ah ee aaad wada garaneeysaa waaa “Salaad Darbi” ee ka bogosho wacan dhamaan.
{ Kabogosho Wacan Miraha Heesta }
Ratigaan hayin ahayn
Aqalkuu ridaayoo
Rarka lama dulsaare
Dumarkuna ramaaskiyo
Ramad geel nin maaley
Kaa raacayaane
Qalbigeygu tuu rabay
Raaliya ma noqotoo
Run ka gaari waayaa
Ana waan is raacshayoo
Riyadiyo hurdada baas
Ayaan reer ku oodee
Xalay baan riyaaqoo
Ruuxaani ii timid
Raadkeeda gurayee
Anigiyo Raxma oo qura
Ayaa ruc isla joognee
Beeni raad ma leh
aah aaha aa
Beeni raad ma leh hmm hmm
Beenaalow run ma mooda
Roobkii da’aayiyo
Raaxada Aduunyada
Ani wayga raagtee
Risiqii la ii qoray
Geed buu ku raarmoo
Reys gaari waayee
Waqtigu iima roonoo
Rarka igama saaroo
Dhana iima ridayee
Raaso maal la haystiyoo
Maal la isku riixee
Kala reebay Dunidee
Wax dambaan rafaadoo
Rucle orod ku daaloo
Raacdeeyay Gabadhee
Dantaa ii Run sheegtee
Raganimo ma waayinee
Beeni raad ma leh
aah aaha aa
Beeni raad ma leh hmm hmm
Beenaalow run ma mooda
Cirku nimuu ku reemoo
Gugu uu rusheeyoo
Daad la rooray baan ahee
Badda oo isrogiyoo
Biyuhu raarka joogaan
Baygu roga wareegsane
Aarmi ciida ramiyoo
Laan sii lulaayaa
Raq sideed i fuushanee
Nacabkeey rideeyoo
Maanta raxan maroodiya
Rafiiqeygi moodee
Raxnigiyo Kitaabkiyo
Rasuuftii Quraankii
Waan ku raysan waayoo
Rasi Lagama Quustee
Way i ruux wareentee
Beeni raad ma leh
aah aaha aa
Beeni raad ma leh hmm hmm
Beenaalow run ma mooda
W/Q: Ismail Abdi Aden “Waasuge”
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com