Sunday, May 19th, 2013

Qaybtii 4aad iyo sheekadeenii ”Lamaanihii wanaagsanaa wakhtigaa kala geeyay”

Waxay isbuucii hore inoo mareysey xaliima oo u diyaar garowdey safar dhanka magalaada ah & zeynab oo sii dhaweysey lana dar daarantay inee baadi goobto cali yare.

Kusoo dhawaada qeybtii 4aad ee sheekadeena iyo qalinkii abwaan ismail abdi ade “waasuge”
Xaliima waa la dhaweyey si wanaagsan walow aysan ka marneyn murugo maadama qof kasta uu dareemi kale markii kale hayaamayaan labo qof ee aqooon isku leh ama saaxiibo ah murugada iyo dhibaatada baahasan ee ka dhalan karta Zeynab & xaliima way is macsalameeyeen ayagoo ugu danbeyn tiina gacmaha isu haatiyey bye bye bye bye bye bye bye bye bye .
Zeynad waxa aya soo abaadhey reerkii oo xataa way awoodi weysey ineey dib ugu laabato reerkii xaliima waxeena xili barqo ah timi guriga waxa ay la daalaa dhaceysey daal,murugo,xanuun kadis ah iyo waliba muuqaalkii wanaagsan ee saaxiib teedi xaliima, dhanka kale xaliima taas kale mid beey aheed zeynab waana sababta ay u si wanaagsan uga qeyb qaadan weysey safarkii dheera ee wadada u dhaxeysa baadiyaha & magaalada.

Adeer baadil wuu la yaabanaa isbadalka weyn ee lasoo darsey xaliima lakin hadana waxuu ogaa ineeysan ku farxin safarka waxuuna ahaa mid aad u mashquulinayey xaliima waxuuna uga shekeeynayey isbadalka weyn ee ku imaan doono nolosheeda asagoo u aamaneyey in magaalada ay leedahay waxtar ka wanagsan baadiyaha waana sababta uu mudada faraha badan u jeclaa gabdhii walaaalkiis dhalay ee xaliima inuu keeno maalin maalmaha ka mid ah asagoo intaa ku darey in haatan riyadiisii inta badan u rumoodey waxuuna lahaa alle Swt ayaa mahad leh.
Zeynab imaanshada guriga ka dib waxeey toos u abaarey aqalka waxeeyna isku tuurtey gogosheeda jiifka ayadoo gama;dey daqiiqado ka dib, hooyo caasho aad bee uga walaacsaneed xaalada zeynab halka aabe maxamed uu ku maqnaa maalintaas ari raac waana sababta uu zeynab u siiyey fursada ah inee si wanaagsan u macsalaameyso saaxiiibteeda xaliima ee safarka aheed waxuu xaalku sidaa ahaadaba xaliiima sooma kacin ilaa maalinkii oo dhan oo wey miir dawaqsaneed waloow mararka qaar ay ku qarweeysey hadaladii dar daaran iyo magaca xaliima.

Waa xili fiidnimo zeynab wali kama soo kicin jiifka hooyo halka hooyo caasho ay fadhisey ardaaga hore ee guriga waxaana soo caga dhigtey aabo maxamed oo markaa ku jirey jawi aad u farxad badnaa waayo maanta intuu ku maqnaa ariga waxaa soo dhalay ilaa 3dax neef lama ka mid ah ay tahay ari halka kalane uu aha ido balse maba oga in gabadhiisii seynab aheed ka maqan tahay goobta adeega iyo nolosha reerkeeda tallow maxaa dhaci doonaa ? aabo maxamed siduu wax yeeli doonaa marka loo sheego xaalada carikan ee lasoo darastay seynab ? maama caasho waxaa talo ama tusaale ah oo ay arinkaan ka geeysan kartaa ? zeynab sidee ula jaan qaadi doontaa nolosha kalinimo maadama aysan guriga u joogin wax walaal ah ? saaxiibtii qura ay laheedna saaka ismacsalaameeyeen ? war jiraaba caraako ayuu imaaan.

Intaas ayaan kusoo gaba gabaneynayaa sheeekadeenii isbuuclaha ahayd iyo qeybteedi 4raad intaan isbuuca kale dib iskugu imaan doono waa ismail abdi aden “waasuge” & dhamaan bahda baidoamedia.com oo idin leh nabaadiino asc wr wb dhamaan.

Dookha  ismail abdi aden “waasuge” iyo miraha heesta macaan ee “Tiraanyo” & allaha u naxariis tee fanaankii caanka ahaa “axmed mooge liibaan” kabogosho wacan dhamaan axaabta sharafta leh.

Tiiraanyo cudur iyo
Nimay towsi haysaa
Ileen taah ma daayee

Waxaan tabanayaa baan
Wali tiigsadaayoo
Soo taabi waayee

I tageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosi karayee

Turuq iyo lixaad iyo
Tamara iyo xoogey
Jaceyl iga tan roonbaa
Igu tiirshay geedoo
Xarig igu tig tigayoo
Waa anigan tasoobee

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee

Tabaalada Aduunkee
Cidkastaba u taalaa
Anigeey i turuqdoo

Tagoogaha i jabisoo
Ka talaabsan waayoo
Waan tiicayaayee

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee

Taariikhda dunidaa
Iyadoo isdaba taal
Ninba meel ku tuurtee

Aniguna tusmeystoo
Qeyrkey halkuu tagay
U tabaabushaystee

I taageer Allahayow
Arrintaydan kala taal
Adaa toosin karayee

W/Q: ismail abdi aden “waasuge”

Kale soo xariir barnaamijka

Shimali02@hotmail.com

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply