Friday, May 24th, 2013

Qaraxyo dad ka badan 100 qofood ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Ciraaq.

Ayada oo lagu guda jiro bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa hadana waxaa ka dhacay dalka Ciraaq qaraxyo ay ku dhinteen dad ay tiradoodu gaareyso 107.

Qaraxyada oo ka kala dhacay magaalada caasimada ah ee Baqdaad iyo magaalada shidaalka leh ee Kirkuk oo ku taalo dhanka waqooyi ee dalka Ciraaq ayaa waxaa lala beegsaday goobo ay ku yaaliin xafiisyo dowladeed iyo saldhigyo ciidanka booliska dalkaas ay ku sugnaayeen, balse ma ahayn dowlada xafiisyadeeda oo keliya meelaha la bar til maameedsaday ee waxaa sidoo kale weerar lagu qaaday suuq ay dadku ka dukaameysanayeen.

Qaraxyadaan ayaa dusha looga tuuray masuuliyadooda ururka Al qaacida qaybtiisa dalka Ciraaq ayada oo aanay jirin cid si dhab ah weli u sheegatay masuuliyada qaraxyada.

Dalka Ciraaq ayaa dhawaanahaan ka nastay qaraxyo ballaaran oo ay dad badani wax ku noqon jireen balse dhawaan ayay ahayd markii uu ururka Alqaacida ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo weeraradiisii uu horay u geysan jiray.

 

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply