Sunday, May 19th, 2013

Qarax xalay ka dhacay Baydhabo.

Waxaa qarax miino lala eegtay habeenkii xalay ahaa qaar kamid ah askarta dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada hal askari sida uu soo sheegayo wariyaha baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo ayada oo aanay cid kale wax ku noqon qaraxaas.

Qaraxa markii uu dhacay kadib ayaa goobta uu ka dhacay oo ahayd suuqa magaalada Baydhabo ee raashiinka lagu kala iibsado waxaa goobta soo buuxiyay ciidamo kale oo katirsan isla dowlada Soomaaliya.

Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa uu sheegay in qaraxa xalay u dhigeen Alshabaab islamarkaasna uu kaga geeriyooday hal askari waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaraxa xalay ayaa kusoo aadayo xili magaalada ay soo buuxiyeen ciidamo dheeraad ah oo Itoobiyaan ah.

 

Xafiiska war qabadaka baidoa media ee

Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply