Askar katirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay qarax lagula eegtay xaafada Berdaale ee magaalada Baydhabo.
Qaraxa oo aan la ogeyn noociisu waxa uu ahaa ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayada oo ay markii dambena ciidamada dowlada KMG Soomaaliya rasaas badan fureen.
Askartii qaraxa lala eegtay ayaa lagusoo waramayaa inaysan waxba qasaara ah soo gaarin ayada oo ay halka uu qaraxa xalay ka dhacayna baaritaano ay ka wadaan ciidamada dowlada KMM Soomaaliya.
Tan iyo markii ay magaalada Baydhabo la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo dhowr ah balse ay yaraayeen qasaaraha kasoo gaarayay dadka rayidka ah iyo weliba ciidamada ayada oo ay sidoo kalena ciidamada dowlada KMG ku guuleysteen inay fashiliyaan dhowr isku day oo la damacsanaa in qaraxyo lagula eegto qaybo kamid ah magaalada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com