Qarax xoogan ayaa waxa uu saakay ka dhacay gudaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaasoo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaaladaas.
Sida ay wararku sheegayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa markii dambe waxa ay qab qabteen dhowr qofood oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii saakay ka dhacay magaalada.
Qaraxa saakay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa sheegatay Xarakada Alshabaab oo ku kacsan dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada dowlada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayada oo sheegtay inay tiro askar Itoobiyaan ah ku dishay qaraxaas.
Ma jirto cid katirsan maamulka dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan oo weli ka hadashay qasaaraha uu geystay qaraxa saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne.
Alshabaab ayaa loogu awood sheegtay dagaal horay ay ula gashay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya oo is garabsanaya ayada oo lagala wareegay magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.
Qaraxa ay saakay Alshabaab ka fulisayna magaalada Beledweyne waxa uu muujinayaa inay weli dagaalyahanadii ururkaas ku suganyihiin gudaha iyo daafaha magaalada ayaga oo isku dhex qarinayo dadka shacabka ah balse fulinaya hawlgalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo weliba qaraxyo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com