Qarax qasaare geystay oo ka dhacay suuqa Bakaaraha.

Qarax xoogan oo geystay qasaare dhaawac u badan ayaa waxa uu maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa yimid kadib markii bambaano nooca gacanta ah lala beegsaday askari katirsan ciidamada dowlada oo ku sugnaa suuqa Dahablaha ee iska suuqa weyn ee Bakaaraha.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa me

cheap cialis online no prescription

esha ka dhashay qasaare tobaneeyo qofood oo dhaawac uu soo gaaray kuwaasoo gebi ahaantoodba ahaa rayid halka askarigii la weerarayna uu ka bad baaday bambaanada lagusoo tuuray.

Xaalada suuqa Dahabka ayaa mar qura is bedeshay ayada oo ay durbadiiba oobta soo gaareen ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya kuwaasoo rasaas fara badan geesaha u riday.

Raggii bambaanada tuuray ayaa ka baxsaday halkaas. Horay ayuu qarax uga dhacay suuqa Dahablaha ee Bakaaraha ayada oo ay sidoo kalena qaraxyo ka daceen qaybo kale oo suuqa ah kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacba geystay.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.