Waxaa qarax xoogani uu maanta ka dhacay magaalada Baydhabo kaasoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiro.Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay busteejada baabuurta looga raaco deegaanka Shabeelow oo ka tirsan gobolka Bay.
Inta la ogyahay waxaa ku dhimatay 2 ruux halka 8 kalena ay ku dhaawacantay qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.
Weli lama oga cida sida gaarka ah loola beegsanayay qaraxa inkastoo ay meesha ka ag dhawaayeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa gobolka Bay.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo qasaare geystay ayada oo ay inta badana dad rayid ah ku wax yeeloobaan qaraxyadaas oo ay geystaan inta badan dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ayaa waxa ay horay uga saareen magaalada Baydhabo Alshabaab ayada oo ay wixii markaas ka dambeeyayna Alshabaab ka waday magaalada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowlada iyo weli goobo ay dad rayid ah ku suganyihiin balse askarta dowladana ay ka ag dhowyihiin.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com