Sunday, May 19th, 2013

Qarax qasaare geystay oo caawa ka dhacay Kismaayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu caawa ka dhacay qarax lala eegtay ciidaamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay xaafada Calanley gaar ahaan isgoyska Somali star ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo halkaas marayay.

Inta la ogyahay waxaa ku dhaawacantay qaraxa caawa ka dhacay magaalada Kismaayo shan ruux oo sadex kamid ah ay yihiin ciidamada dowlada.

Qaraxa qasaaraha dhaawaca ah dhaliyay ayaa waxa uu ahaa bambaano nooca gacanta laga tuuro.

Magaalada Kismaayo ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM katirsan kuwaasoo kala wareegay gacan ku haynta magaalada Xarakada Alshabaab.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply