Ayada oo ay habeen hore un ahayd markii uu nin miino ku aasayay inta u dhexayso isgoysyada Baar Ubax iyo Black sea ay isagii la qaraxday halkaasna uu ku geeriyooday ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay meel u dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud qarax weyn oo ay ku halaagsameen ragii gacanta kula jiray oo la sheegayo inay Alshabaab katirsanaayeen.
Qaraxa ayaa yimid kadib markii ay cilad farsamo kutimid walxihii qaraxa sameynayay ee ay gacanta kula jireen maleeshiyooyinka Alshabaab oo damacsanaa inay la eegtaan ciidamada Itoobiyaanka ama kuwa Ahlusuna ee magaalada Ceelbuur ku sugan.
Dadka ku dhintay qaraxii shalay oo tiradooda lagu sheegayo ilaa iyo sadex ayaa waxaa lagusoo waramayaa inay kamid ahayd gabar wax kusoo baratay dalka Uganda haysatayna shahaadada Master’s Degree taasoo damacsanayd inay ayada fuliso qaraxa sida lagusoo waramayo.
Meydka gabadha iyo labo kamid ahaa maleeshiyooyinka Alshabaab ayaa saakay la keenay degmada Ceelbuur ayaga oo kala go’ go’ay laguna wado in halkaas lagu aaso.
Dhawaanahaanba waxaa soo badanayay fashilka ku imaanayay qaraxyada ay inta badan soo abaabusho Alshabaab kuwaasoo kahor intii aanayba gaarin meeshii loogu talagalay ku qarxa maleeshiyooyinkii gacanta kuhayay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com