Waxaa caawa fiidkii qarax lala beegsaday guri uu ay ka socotay xaflad aroos kaasoo ku yaala xaafada Warshada caanaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa kusoo aaday xili ay cayaaro ka socdeen xaflada arooska oo ay wiilal iyo gabdho ku sugnaayeen halkaas, qaraxa oo uu noociisu ahaa bambaano ayaa waxaa ku dhimatay inta la ogyahay laba qofood halka sideed kalena ay ku dhaawacantay.
Dadkii bambaanada kusoo tuuray xaflada arooska ayaa durba meesha ka baxsaday ayada oo ay markii dambe soo gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.
Weerarka caawa lagu qaaday xaflada aroos ayaa noqonayo noociisa kii ugu horeeyay ayada oo ay dadka magaalada Muqdisho la ama kaagsanyihiin sababta xaflad aroos loo beegsaday.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com