Qarax bambaano oo lala eegtay askari katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay suuqa Dahablaha ee suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan, qaraxa ayaa waxaa wax ku noqday dad rayid ah ayada oo lasoo sheegayo inay ilaa iyo shan ruux oo rayid ah waxyeelo kasoo gaartay qaraxaas.
Askarigii lagu tuuray bambaanada ayaa ay wararku sheegayaan inay wax soo gaareen halka warar kalena ay sheegayaan inuu ka bad baaday qaraxaas oo aysana waxba soo gaarin.
Dadkii ay qasaaraha soo gaartay ayaa lagu qaaday gawaari iyo gaari gacano ayada oo markii dambena goobta isku gadaameen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya kuwaasoo xakameeyay isku socodka iyo dhaq dhaqaaqa dadka ag dhawaa suuqa Dahablaha ee suuq weynaha Bakaaraha.
Maanta duhurkii ayay ahayd markii uu qarax is miidaamin ah ka dhacay bar koontarool oo ku taalo degmada Afgooye halkaasoo la bar tilmaameed saday askar katirsan dowlada Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com