Waxaa qarax uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayada oo lasoo sheegayo inay jiraan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa ayaa lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya xili ay ku sugnaayeen suuqa Siigaale. Qaraxa kadib ayaa waxaa meesha soo gaaray ciidamo dowlada katirsan ayaga oo rasaas fara badan riday.
Inta la ogyahay gabar ayaa ku dhimatay 6 kale oo ay kamid ahayd gabar shaah iibinaysayna waa ay ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.
Askar dowlada katirsan oo bar tilmaameedka qaraxa ahayd ayaanay waxba soo gaarin sida uu kusoo waramayo wariyaha baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahaan soo hagaagayay ayada oo uu qaraxani noqonayo kii ugu horeeyay ee dhawaanahaan ka dhaca magaalada Baydhabo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com