Friday, May 24th, 2013

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday hoteelka uu deganyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho qaraxyo is miidaamin ah oo ay fuliyeen naftood hurayaal aan weli la ogeyn cida ay ka tirsanyihiin.

Qaraxyada ayaa inta la hubo waxaa ku dhintay sadex kamid ah ilaalada hotelka Jaziira xili uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wadahadal kula lahaay halkaas wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Moses Watangule.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay hotel Jazeera oo uu deganyahay madaxweynaha kaasoo u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale saraakiisha amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxyada lala eegtay hoteelka uu deganyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa qaraxyadii ugu horeeyay ee lala beegsado madaxweynaha cusub tan iyo markii uu 24 saac ka hor ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply