Wednesday, May 22nd, 2013

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Afgooye.

Waxaa goor dhow ka dhacay degmada Afgooye qarax xoogan oo ah is miidaamin kaasoo lagu bartilmaameed saday ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay bar koontarool oo lagu magacaabo Baar Cismaaciil halkaasoo laga galo degmada Afgooye sida ay wararku sheegayaan.

Ruuxa is qarxiyay ayaa waxa uu isku qarxiyay barta oo ay xiligaasi buuxeen ciidamada dowlada Soomaaliya inkastoo uu gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelada hoose ee dowlada Soomaaliya sheegay inuu qofka naftii huraha ahaa ku qarxay meel banaan ah oo uusana wax qasaare ah geysan.

Qofka is qarxiyay ayaa waxa uu xirnaa dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayada oo qaraxa kadibna ay goobta isku gadaameen ciidamada dowlada Soomaaliya oo hakad geliyay isku socodka gaadiidka.

Weli lama oga inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay degmada Afgooye.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply