Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii ayaa waxa ay sheegayaan inuu goor dhow qarax ka dhacay xaafadaas gaar ahaan Masaajidka Al-hiddaaya ee xaafadda Jaamka.
Qaraxa ayaa dhacay xili ay dadku kasoo baxeen masaajidka ayaga oo soo tukaday salaada cisha ah, xiliga uu qaraxu dhacaayay ayaa waxaa
goobta ku sugnaa oo masaajidka wax kagasoo tukaday xildhibaanka deegaanka Kaama Kunji, xildhibaan Yuusuf Xasan.
Waxaa jira qasaare kala duwan oo lasoo sheegayo inuu sababay qaraxa ayada oo dad dhowr ah ay ku dhaawacmeen halka wararka qaarna ay xusayaan inay jiraan dad ku dhintay inkastoon la hubin.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay qaraxa caawa ka dhacay magaalada Nairobi.
Xaafada Islii ayaa noqotay goob ay qaraxyadu kusoo noq noqdaan ayada oo ay tiro dad ah ku dhinteen halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxaan kala soco baidoamedia.com
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com