Wednesday, June 19th, 2013

Qarax bambaano oo ninkii watay iyo dad kale ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay agagaarka isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qarax bambaano oo ka dhacay maanta meel u dhow isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku dhaawacmay sadex ruux oo uu ku jiro ninkii watay bambada. Qaraxa oo ahaa bambaanada gacanta ayaa yimid kadib markii ay qaraxday bambaano uu nin ku watay bac madow sida ay wararku sheegayaan.

Ninka bamka uu la qarxay ayaa ka go’ay mid kamid ah labada lugood isaga oo dhaawiciisana la dhigay isbitaalka Madiina ee uu qaraxa ka ag dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qofood oo kale ayada oo aan la ogeyn halka uu bambaanada u watay ninka ay ku qaraxday iyo weliba cida uu katirsanaa.

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaga oo baaritaano kuhayo ninkii watay bambada maanta ku qaraxday agagaarka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay haystaan hub sharci daro ah oo ay kujiraan waxyaabaha qarxa maadaama uu dagaal sokeeye ka socday dalka Soomaaliya mudo 20 sano ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply