Qarax xoogan ayaa waxaa lagula eegtay ciidamo katirsan maamulka Puntland inta u dhexaysa magaalada Boosaaso iyo deegaanka buuraha Gal gala.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday sida ay wararku sheegayaa
n tobaneeyo katirsan ciidamada maamulka Puntland ayada oo ay sidoo kalena jiraan dhaawacyo.
Sarkaal u hadlay ciidamada Puntland ayaa sheegay in kooxo nabad diid ah ay ka dambeeyeen qaraxa lagu laayay ciidamadooda inkastoo uusan carabaabin cida ay yihiin.
Ciidamada Puntland ayaa dhowr jeer waxaa lagula eegtay qaraxyo deegaanada ka baxsan magaalada Boosaaso ayada oo sidoo kalena weeraro lagula eegtay deegaanada u dhow dhow buuraha Gal gala oo ay ku jiraan dagaalyahano katirsan Shabaabka Puntland ee ka amar qaata sheekh Attam.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com