Xafiiska arimaha siyaasada Qaramada midoobay ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNPOS ayaa soo dhaweeyay magacaabista raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahige ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay magacaabista raisalwasaaraha cusub ee ay Soomaaliya yeelanayso isaga oo sheegay inay tani dhameystirayso hay’adihii dowliga ee Soomaaliya.
“waxaan ugu hambalyeynayaa mudane Cabdi Faarax Shirdoon xilka culus ee uu ummadda Soomaaliyeed u qaaday, waxaana rajeynayaa in uu gudan doono waajibaadkiisa qaran, waa xilli aad u wanaagsan waa Ra’iisul wasaare nasiib badan. waxaana ballan qaadayaa inaan xoojiyo taageerada uu xafiiskegya uga baahantahay xukuumadda uu soo dhisi doono” ayuu yiri Dr. Augustine Mahiga.
Dhanka kale ergayga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele C. d’Urso ayaa sheegay inuu midowga Yurub soo dhaweynayo magacaabista raislawasaaraha cusub isaga oo sheegay in loo baahanyahay in la dar dargeliyo dhismaha hay’adaha fulineed ee Soomaaliya oo ay hawlo fara badan sugayaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com