Wednesday, May 22nd, 2013

Qabsashada Jowhar oo noqotay mid ay masuuliyiinta iyo saraakiisha dowlada maalinkastaba sheegaan.

Ayada oo ay dhowr jeer oo hore sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya inay duulaan ku yihiin isla markaasna ay qabsanayaan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe ayaanay hadana sidaas wax u dhicin.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ayaa hada waxa ay ku suganyihiin sida wararku ay sheegayaan meel 30km u jirto magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelada dhexe.

Ciidamadaan ayaa markii hore saraakiisha hor kacaysa ee dhanka dowlada waxa ay sheegeen inay qabsanayaan magaalada Jowhar kuna ciidayaan balse taasi ma dhaboobin oo waxa ay isku bedeshay inay degaan meel magaalada sodon km u jirto.

Hadaba waxaa mar kale saxaafada la hadlay gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelada dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) kaasoo sheegay inay dhawaan la wareegayaan magaalada Jowhar oo uu sheegay inay shacabka ka xoreynayaan Alshabaab oo mudo sanado ah dhibaato ku haysay shacabka magaalada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiye kuxigeenku waxa uu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gar gaar lasoo gaaraan deegaanada kale ee laga saaray Alshabaab oo aan mudo afar sano ah helin wax gar gaar ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply