Waxaa degmada Awdiinle ee gobolka Bay lagu dilay 4 katirsan dagaalyahanada Alshabaab xili ay casheynayeen. Ragga la dilay ayaa waxa ay horay wadada u dhexayso degmooyinka Berdaale iyo Awdiinle baabuur kala degeen gabar reer Berdaale ah ayaga oo kadibna toogtay.
” Dagaalyahanada Alshabaab tiro ahaan waxay ahaayeen 8 balse habeen hore 4 ayaa guryahooda oo Awdiinle ah usoo casho doontay kadibna ciidamo 11 gaarayo oo Baydhabo kasoo baxay ayaa gurigii ay ku casheynayeen iskuweer ka qabtay sidaasna rasaas ooda uga qaaday halkaasoo ay ku geeriyoodeen afartii Alshabaabka ahayd” sidaas waxaa u sheegay baidoamedia.com mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday innaan magaciisa la adeegsan.
Waxaa jiro warar sheegayo in afartii kale ee Alshabaabka ahayd eheladooda lagu hayo degmada Berdaale ayada oo aan la ogeyn sababta ay u dileen gabadha oo ahayd shacab wax ciidamo arimahooda ahna aan ku lug lahayn.
Shabaabka lagu laayay degmada Awdiinle ayaa qoryihii ay wateen waxaa loosoo qaaday dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com