Sunday, May 19th, 2013

Qaabka beelaha Digil iyo Mirifle usoo xulayaan xildhibaanada.

Warar hoose oo Warbaahinta Ishabaydhaba.com soo gaaray ayaa sheegaya in Malaaqyada Beelaha Boqollhore ay gudbiyeen liiska magacyada Xildhibaanada Cusub ee uga mid noqonaya Dowlada soo socota.

Malaaqyada Beelaha Boqollhore ee Dissow, Eemid, Qoomaal ayaa waxa ay gudbiyeen Sedax xubnood iyadoo Xubinta beesha Yalale Boqolhore ay ku maqantahay beel ka tirsan Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo ay Boobtay, iyadoo welina ay socoto Dacwad ku saabsan Maqnaashaha Xubinta beeshaYalale.

Xubnaha Beelaha Eemid, Dissow iyo Qoomaal ay gudbiyeen ayaa ah Sidaan:-

Khaliif Sheekh Cabdullaahi {Khaliif Duuraay} (Eemid Boqolhore) Qabqable Dagaal aan Shahaado haysan.

Maxamuud Macallin Yaxye (Dissow Boqolhore) Aqoonyahan Karti leh Shahaadooyina haysta.

Maxamed Mursal Boorow (Qoomaal Boqolhore) Waa Qof Qadiyad iyo Karti leh balse aan Shahaado haysan.

Waxaan kaloo helnay magacyada Xubnaha qaar ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle ay soo gudbin rabaan.

Beesha Eelaay oo soo gudbisay 3 Xubin oo ay ugu horeeyaan Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Xubin kale oo aysan noo suura galin in aan helo magaca waana beesha ugu Nasiibka badan marka aad eegto Xubnaha ay soo Xusheen oo ah Xubno Aqoon leh.

Beesha Leysaan waxaa ugu cadcad Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah Dagaal Ooge aan wax akhrin waxna qorin iyadoo labada xubin oo kalena la sheegay in beesha Leysaan ay isku mari la’dahay ilaa hada.

Beesha Jilible ayaa waxaa laga hayaa Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo isna ah Qabqable aan wax Shahaado haysan iyadoo xubnaha kalena Magacyadooda aysan weli noo suura galin in aan helno.

Beesha Geelidle ayaa waxa ay soo gudbiyeen labo Xubin oo aan magacyadooda ku helnay Sheekh Nuur iyo Luuleey, mana noo suura galin in aan ka helno wax intaa dhaafsiisan.

Beesha Luwaay ayaa waxa ilaa hada laga hayaa hal Xubin oo magaca nalagu sheegay Mustaf Gaduudow, Xubnaha kale ayaa ilaa hada doodi ka taagantahay.

Beesha Hadame waxaa ugu cadcad Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, Aadan Sarasoor iyo Maxamed Cabdi Tool inkastoo weli  beesha Hadame ay isku mari la’dahay laba xubnood midka ay dooran lahayd labadaas xubnood ayaa kala ah Aadan Sarasoor iyo Shiine Macallin Xubnahaan ayaa marka laga reebo Maxamed Cabdi Tool ah Dagaal Oogayaal ay usii dheertahay Jahli iyo Aqoon la’aan.

Beesha Xariin ayaa wararka aan helnay sheegaya in ay weli ay isku mari la’dahay Xubnaha uga mid noqonaya Xildhibaanada Cusub inkastoo laga yaabo in beesha Xariin ay markaan keenaan wejiyo Cusub oo aan horay loo arag una badan dad aqoon leh.

Beelaha kale ee Digil iyo Mirifle ayaa noo suura galin in aan ka helno wax Warbixin ah balse aan ku guda jirno sidii aan uga heli lahayn warbixin ku aadan Xildhibaanada uga mid noqonaya Dowlada Cusub ee dhalan Doonta.

Warkaan Waxaan ka helnay illo Xog Ogaal ah oo aan ku Kalsoon nahay.

 

Xigashao: Ishabaydhaba.com

Ilyaas Qalinle.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply