Hadaba isbuucii aynu kasoo gudubney waxa ay inoo mareeysey Zeynab iyo Xaliima oo si wada jir ah ugu duceeyey cali yare.
Marka kale iyo maalin wanaagsan dhamaan asxabaata hawada inagala xariidhaay kuna soo dhawaada Q3aad ee sheekadeeni “Lamaanahii Wanaagsanaa Waqtigaa Kale Geeyey”!!!
Zeynab & xaliima wey kale hoyaadeen qof waliba wuu nabad tagay guriga waa mahad illah balse xaliima guriga markii aaay taagtey waxaa lagu wa
r galiyey arin lama filaan ah waana sababta adeer baadil ugu yimi reerka waxuuna usheegey xaliima inuu rabo inuu geeyo magaalada halkaana ka anbo qaado nolo cusub si aay wax ugu barato una anfacdo mutaqbalka nafteeda & dhamaan reerkeeda asagoo intaa uraaciyey ineey bari subax u diyaar garowdo safar hadii allaha awoda sare lehi raali ka noqdo.
Xaliima waxa hareeyey murugo waxeeyna mar qura lasoo boodey oo maxeey tahay safarkaan kadis ah ma jirin xataa rajo mar qura iga soo gashay dhanka iyo ku noolaanshada magaalada runtii umana xiiso qabo waayo waxaan haystaa nolol aad u macaan iyo hanti igu filan inta ka dhiman nolosheeyda marka adeer hadii aay suurta galeeyso waaan jeclaa lahaa inaad go’aan kaada ka laabato igamana ahaaan inaan diidmo ku sameynayo hadalka waalidka ee waxaan ka hadlay waxa ku jira niyadeyda adeer!!.
In kastoo la galay daqiiqado kooban oo lagu lafa gureyey go’aanada kale duwan ee kasoo baxey adeer “Baadil & “Xaliima hadana waxaa hir galey go’aan kii waalidka iyo weedhii adeer “Baadil”!! xaliima waxey biloowdey fakar waxeeyna kaligeed gashay aqalka ayadoo fadhisey mudo ka badan 30 daqiiqo waxeeyna soo saadhey go’aan ahaa ineey ka gaadho saaxibteeda “Zeynab” si aay ugu sheekto xaalada isbadal aad kana u carikan ee lasoo gudboonaatey durbana wey dhaqaqdey.
Waxaa wehliyey ma jiraan oo reerku waxuu kuwada mashquul sana soo dhaweynta iyo la sheekeysiga adeer ‘Baadil” maadama ad wada garan kartaan xiisaha faraha badan ee dhax mari karo dad mudo kale maqnaa hadana waalid & walaalo intaba ah, “Xaliima”waxeey sii jaqaafisaba waxeey gaadhey guriga iyo reerkii “Zeynab” ayado oo odhaneeysey fiidnimo wanaagsan.
!!! “Zeynab” wacan oo wanaagsan abaayo xaaliima soo dhawaw bismilaah oo caawa maxaa daran kuguna kalifey inaad kaligaa habeenimadan soo guureeyso abaayo inoo sheeg!! Zeynab runtii weey ka arga gaxdey socodka xaliima waana sababta aay mar qura u weydiisey su’aalo kale duwana masana kale daran!!!!!.
“Xaliima” baa ugu jawaab celisey abaayo macaan wax daran majiraan runtii allaha naga haayee balse waxaan kuu wadaa aqbaar aad ka naxi doonto sidaan aniguba uga naxey ee ina yara fariisi ardaaga banaan kiisa waxaana markiiba fadhiga ka kasoo boodey “Zeynab” waxaana sida ugu macquulsan loogu sheegey isbadalkii dhace saacadahiy ay kale maqnaayeen labadooda!!.
“Zeynab” Alla madhici karto abaayo oo maxaa xaalada sidaan oo dhan u carirey xaliima abaayo miyaad iga tageeysaa ? Alla waan cidloodey ? yaab badanaa allow safarkaada baaji abaayo xaliima.
!!! “Xaliima” waxaa wajigeedii daboolay “ilin” tiiraanyo midi ugu badneed ee soo madha intee dunid ku xaadir aheed waana sababta aay u gabtey hadalkii oo xataa u awoodi weysey ineey u jawaab celiso walaasheedi ka weyneed marna aheed saaxiib teeda dunida aay ku laheed ee “ Zeynab” waa la’is hor fariistey waana la kala aamusey oo mid waliba “ awood baan jirin xageedoo afkiiba juuqda gabey” waxaa u yimi hooyo “Caasho” waxeyna lasoo boodey waan dareemi karaa xaaladiina halka aay mareeyso lakin wax kasta ku sabra waayo xag alle ayey ka qoran yahiin ayadoo intaa raacisey yaanan marnaba la baal marina ma la diidin talada waalidka ee xaliimo hooyo qaado taladaas insha allah “ Waa La’isku Soo Noqon Waxii Nool Aduunyada” !!!!!!!!!!!!..
Hadal badani haan ma buuxshee habeenkaas hadii murugo iyo mugdi jiro waa kii dhax yaaley labada saaxiib ee “Zeynab & xaliima” xaalka wuu sidaa ahaadaba waa la’is macsalameyey waxeyna noqotey goor danbe ama habeen kale badh aabo “Maxamed” ayaa usheegey inee is raacaan isna waheshadan xagana kusoo hoyoto “Zeynab” asoo usheegey unuu asagga qudhis bari aniga raaci doono sidaa darteed aabo si wanaagsan u sagooti gabadheenaa “Xaliima” asagoo intaa ugu darey aabo kolee hadaana la dhiman la is moogan maaye cafis & masaamax.
Waa mug murugo aduun? Waa waqti iyo waayahiis ? waa qalin saxiixan oo cidi aysan jooji Karin? Allow maxey duni kale wadey dad aanan ku habooneyn ineey kale hayaamaan ama kala tagaaan, intaas ka dib weey isi soo raaceen “Zeynab & Xaliima” waxeyna soo abaadheen guriga ama reerkii xaliima ayaga garbaha is heystey qof walibana uu dareemi karo saaxiibtinimada qaaliga iyo qeymaha ay leedahay markii daacad lawada yahay.
Intii ay kusoo jireen howdka u dhaxeyey labada reer waxey u dar daarmeen si wanaagsan ayadoo usheegtey hadii magaalada aay tagto ineey baadi goobto walaalkeeda wanaagsanaa ee cali yare,waa su’aale cali & xaliima hal magaalo miyey kuwada noolaan doonan ? “Zeynab” waaba qabaar moog oo magaca magaalo waxeyba u haysataa hal meel oo lagu wada kulmi karo .
Intaas ayaan kusoo gaba gabeynayaa isbuucaan Q3aad ee sheekadeeni “Lamaanahii Wanaagsanaa Waqtiga Kale geeyey” inta aan dib ugu kulmi doono waa ismail “Waasuge” iyo dhamaan bahda “baidoamedia.com” oo idin leh nabadiino waxana idin kaga tagi doonaa miraha heesta “Taar” iyo fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Hasan “Lafoole” ee kabogasho wacan dhamaantiin.
Dumarkaba aduunbaa
igu dhaga nuglaayoo
Aan soo dhaweeyoo
Dhaawicii horeen qabay
waxaa tahay dhaqtaradii
Murdo iga dhayeeysoo,
waaba i dhiiri galisee,
Hadii aad dhaqaadoo
inaad dhoofto jeceshahay
gaariga dhaqsanaayee
ku sidaa ma dheeliyoo
uma seexdo dhinaacoo
Illahay dhantaalkiyoo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiib liyo
mid hooda leh ha kaa dhigoo,,
Hadba dheeman iyo luul
iyo dhagaxa dahabkaa
qiimiga wax dheeroo
adiga dhir iyo ubax
iyo dhool aroor da’aay
dhulxareedi waran tahay
looga dhigay nafteeydee
haduu taarka soo dhacay
dhawaan soo bax kugu yirii
dharaar qurah aduunyadaa
hanti aad ku dhaqatiyoo
haka waayin dharagoo
ilaahay dhantaalkiyoo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiib liyoo
mid hooda leh ha kaa dhigoo
{ W/Q:Ismail Abdi Aden “Waasuge” }
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com