Saturday, May 25th, 2013

Puntland oo ku guuleysatay hirgelinta ruqsada waditaanka baabuurta oo casri ah. (Daawo)

Tan iyo markii ay dowladii dhexe ee Soomaaliya meesha ka baxday ayaa waxaa soo baxay maamulo ka dhismay dalka oo uu kamid yahay maamulka Puntland, hadaba dhawaan ayuu maamulka Puntland waxa uu kusoo rogay wadayaasha gaadiidka deegaanada maamulkaas inay qaataan ruqsada waditaanka baabuurta ee loo yaqaano leysinka ama batantaha kaasoo hab casri ah loo sameeyay islamarkaasna qofka laga qaadayo faro muujinaya inuu isaga yahay qofka wata leysinka.

Waxaa sidoo kale lagusoo rogay wadayaasha gaadiidka inay maraan imtixaano islamarkaasna ay kala bartaan calaamadaha wadooyinka ku dhinacyaalo si loo yareeyo shilalka ka dhaca deegaanada maamulka Puntland.

Arintaan oo ah horumar uu ku tallaabsaday maamulka Puntland ayaa waxa ay qayb ka noqoneysaa horumarada ay gaarayaan maamulada dalka Soomaaliya ka jiro qaarkood taasoona inta badan loo sababeen karo amniga deegaanada maamulada qaar oo wanaagsan iyo weliba ayada oo ay dalka dib ugu noqonayaan dadkii horay wax u bartay iyo weliba kuwo cusub oo qurbaha wax kusoo bartay iyo sidoo kaleba kuwo gudaha dalka wax ku bartay.

Hoos ka daawo fiidiyowga muujinaya qaadashada leysinka iyo habka wadooyinka loo maro ee Puntland.

 

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply