Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa kasoo horjeestay kulankii shalay ku dhexmaray magaalada Dubai madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud Siilaany.
Madaxweyne Faroole oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayuu sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn wixii kasoo baxay shirkii Dubai isaga oo dhanka kalena sheegay inuu shirkaas u gaar yahay Shariif iyo Siilaanyo.
Faroole ayaa sheegay inay Shariif mar kawada hadleen shirka balse markii uu shirka bilawday uu madaxweyne Shariif isbedelay.
Dhanka kale,madaxweyne Faroole waxa uu sheegay inuusan shirkii Dubai ahayn mid ay dan ugu jirto ummada Soomaaliyeed ”labadooba dantooda ayay u ordayeen Shacabna uma Socdaan ee Shariif waxa kujira olalaha doorashada Soomaaliya kadhaci doonta oo waxaa uu samaynayaa waxyaabo badan oo dib ugu soo noqon karo kursiga Madaxwayne’Axmad Siilaanyo isago dantiisa waxay tahay gooni isutaag’’ayuu yiri Madaxwayne C/raxmaan Faroole.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee ka hor yimaada kulankii Dubai ayada oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan waxyaabihii kasoo baxay shirkaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com