Ayada oo ay Xarakada Alshabaab tahay urur diimeed ka kooban dhamaan khabiilada Soomaaliyeed ee kala gedisan ayaanay jirin cid Soomaali ah oo si gaar ah dusha looga saari karo lahaanshiyaha Alshabaab!
Hadaba akhristow waxaa is weydiin mudan maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Faroole ma Shabaab la dirir baa mise waa khabiil la dirir?
Dabcan su’aashani jawaabteedu ma ahan mid qofkastaba uu ku deg degi karo, aniga waxaan aaminsanahay inay Puntland taay khabiil la dirir, waayo Puntland horay ayay u qab qabatay dhalinyaro kasoo jeeda gobolada koonfureed gaar ahaan gobolada ay degto qowmiyada Digil iyo Mirifle ayada oo ku eedaysay inay Alshabaab yihiin dhibaatooyina u geysatay.
Shalay taliyaha booliska Garowe waxa uu sheegay inay qab qabteen dhalinyaro uu ku tilmaamay inay Alshabaab yihiin kanasoo carareen deegaanada gobolka Bay isaga oo magacyada deegaanada soo socdan ku sheegay inay ka kala yimaadeen, Qansaxdheere, Xawaal Barbaar, Buulo Barako, Goofgaduud Manaas, Cabdi Garuun iyo deegaano kale.
Taliyaha booliska Garowe waxa uu sheegay inay dhalinyaradaan yihiin Alshabaab oo ay xili habeenimo ah soo galaan magaalada Garowe isaga oo sheegay inay sharciga hor keenayaan islamarkaasna tooganayaan!!
Bal toogashada hanoo dambeysee, Shabaab Bay kasoo cararay maxaa kasoo jira Puntland, oo maba kala garanayaan Puntlande, dhulka koonfureed ee Soomaaliya ayaaba ka weyne maxaa kasoo jira Puntland?
Baroorta orgiga ka weyn, Puntland waxa ay baneysanaysaa dhiiga iyo sharafta dadka kasoo jeeda qowmiyada Digil iyo Mirifle taasina ma ahan mid u cuntameyso dadka kasoo jeeda qowmiyadaas, hadaba waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inuu ka waan toobo arimaha uu faraha kula jiro ee ah inuu qof uusan waxba cadeymo ah ku haynin ku tilmaamo Alshabaab ama dhibaateeyo.
Puntland haday Alshabaab la dirir ka tahay ha aado buuraha Galgala iyo deegaanadeeda oo ayba Alshabaab xarumo ku leedahay markastana hawlgalo ka fuliso ee yaanay dadka socotada ah inta xir xirto dhibaateynin, Soomaalida waa dad walaalo ah oo wada dhashay lagumana jiro xiligii khabiilka qofka loo beegsanayay ee Puntland waxaan uga digaynaa inay joojiso dib usoo nooleynta dagaaladii ahliga ahaa ee dalka Soomaaliya bur buriyay.
Dabcan Alshabaab dadka oo dhan dhib ayay ku haysaa balse ma ahan in khabiil si gaar ah loogu shaabadeeyo, shalay ayay ahayd markii ay qarax ka fuliyeen Baydhabo ay ku la’deen dad haween u badan oo rayid ah.
Gebagebada hadalkayga waxaan jeclaan lahaa innaan ugu baaqo waxgaradka deegaanada Puntland iyo khabiilada dega halkaas inay soo dhex galaan arintaan xumaato abuurka ah ee dad aan waxba galabsan lagula kacayo Soomaalidana aan lasii kala fogeynin.
Dr Mad Eedin Isaaq.
madeething@hotmail.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Macaga gabeyga, ku bedel, “Punland Maxaan u dhimey”
Mahadsandi.
DM walaahi maamul gobeledka butlen waxaa u baahan yihin iska celin waxaa layaabay sarkaalka oo banestay dhiiga qoomiyada digil iyo mirefle waxaa ceeb ah qoomiyada digil iyo mirefle oo lagu xasuuqaayo markasta maamulka butlen war caawe wax garadka qomiyada digil iyo mirifel maanta dadkaan hadii ahaan la haayeen hawiya mar hora loo hadli lahaa laakiin nasiib wanag waa ka xumahay in maalinkasto dhalanyarteyna qomiyada DM lagu banesto dhiigoda maamulka butlen uga damben waxaa la dar daarmaa qoomiyada DM meelkasta aad joogtaan kaca dhiig isku yela xaquuqdiina dhacsada.
Punland Maxaan u dhimey
Qofki lagu helo inuu dhib u geeysanaayo umada PL waa in meesha uu taagan yahay lagu toogtaa. Haduu qofku innocent yahay cid dadka ka soocaneeysa ma jiraan. Laakiin in marna Shabaab eey soo diraan, marki la qabtana eey qabiil DM dabada la galaan oo eey noqdaan wiilal masaakiin ah, wax la idinka aqrisanaayo ma jirto. Waa dhamaatay waqtigii criminalka markuu dambi galo, qabiil yeelan jiry. Kuwa banaanada ka qeylinaaya, waxaa iga talo ah ineey wax cad oo cadeeynaayaa in kuwa dambiga lagu hayo eey yahiin dad gardaro lau heeysto cadeyn ha hor keenaan umada, ama toos ha u qirtaan ineey ka xun yahiin in la qabtay niman dambiilayaal ah. Faroole waa ku mahadsan yahay inuusan u joojin, dhageeysan, una jixin jixin kuwa banaanada la taagan waa nalaga gar daran yahay. Boqolaal kun oo DM ah ayaa ku nool PL, maxaa looga soocday inta yar ee la celiyo iyo kuwa dambiga lagu eedeeyay. Ma kuwa kaleey ka Digil iyo Mirifsan yahiin. Cid kasta sideey rabto ha u turjuntee, dowlada Pl waxaan kula talinayaa ineey kii howlahooda hor istaaga ama lacag ku soo qaatay ineey amaanka qalqal geliyaan, eey tiirka geeyaan.
Marun baa larabaa mise been?
Majeerteenoow sidaad noola dhaqmaysaan ka waantooba
Waligeen dhibkiina kamaanan shaqayn ee maxaad nin Walboo afraxanwayn ku hadla ugu shabadeyseen in uu yahay shabaab
Shabaab Miyaa qabiil ah? Warhooy ka jooga furumo Badan oo dagaal waa isku furteene Halkaas qaatumo caraysan, halkan Ogadeen wax tabanayo,dhankaas raxawayn dukaamadii laga gubay isagiina xabsi ku jira(anigaa shabab ma goraw) leh majeerteenoow saaxiibka Kaliya ee aad si fiican ula noolaydeen oo wax Aana hore ah aaydaan kala galin waa nimankaan raxanwayn ee dib isu qabta taariiq xun hana dhex dhigina…….
Heh
Ciyaalka Xaafada
Kutiri kuteen iyo waxii niman xamar cuqdad la fadhiya lagu soo aqriyay meesha hala imaanine wax hadeey kaa maqan yahiin soo cadeyso. Odayaal baa jooga, wax garad baa jooga, anigan kula hadlaaya oon dulmigaaga rabin baa jooga, diyaarna u ah hadii qof Soomaliyeed lagu gardarooday inaan la safto. Xooladaha ugu badan ee PL yaal marka laga reebo inta meesha deegaan ahaan u leh, waxaa iska leh DM. Wax qarsama ma jiraan, ee waxii lagaa gubay iyo halkii lagaaga gubay soo cadeyso. Qofkii dulmi u imaaday, rabana inuu ku dhex dhuunto umadaaas meesha u timi ineey xalaal cunaana waa la iska qabanayaa. Qof loo daba fariisanaayo amaanka Puntlnad iyo cid wax laga weysiinaayo ma jirto. Hadaad wax tabaneeyso, meeshu xero mooryaan maahane, u imoow oo odayadii reerahu waa joogaane u gar dhigo. Niic iyo laaluushki Xamar xilamagaratadu soo qaateen hadaan meesha la timaadayna, waxaan kuu rajeeynayaa inaad cuqdadaas la dhimato!!!!!!