Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax oo ahaa labadii orodyahan ee Soomaaliya uga qeybgalay tartankii orodka ee ciyaarihii Olombikada ee ka dhacay magaalada London ee wadanka UK ayaa galabta shaaca ka qaaday inay isku dhiibeen dawlada Ingiriiska.
Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax waxay arinkan galabta ka cadeeyeen kadib kulan ay la yeesheen wasiirka dawlada UK u qaabilsan arimaha Afrika Henry Belingham kaasoo ka dhacay xarunta wasaaradda arimaha Afrika ee UK ee magaalada London.
Samsam iyo Maxamed ayaa si wadajir ah u sheegay in labadooda ay go’aansadeen inaysan ku noqon Soomaaliya kadib markii hanjabaado dad aan la garaneyn ay u soo direen ayna u sheegeen inay dilayaan haddii ay dalka ku laabtaan.
“Anagga waxaan go’aansanay inaan inta iska joogno ama meel amaan ah nala geeyo, waayo hadda kuma laaban karno Soomaaliya maalin dhoweyd xitaa waxaa la dilay majaajileystihii Marshaale” ayuu yiri Maxamed Xasan oo ahaa wiilkii ku orday 1500-Mitir magaca Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in bogiisa facebook loogusoo diray sawiradiisa oo lagu soo dul qoray calaamada isku talaabta oo loola jeedo in madaxa laga toogan doono haduu dalka dib ugusoo laabto.
Sidoo kale Samsam ayaa iyaduna sheegtay in hooyadeed oo ku sugan Muqdisho ay la soo xiriireen dad aan la aqoonin ayna u sheegeen in haddii gabadheeda Samsam ay dalka kusoo laabato laga qaadi doono tallaabo ku aadan hawlaha ciyaaraha ee ay ku jirto.
“Waan ka welwelsanahay amaankeyga Soomaaliya hadda ma ahan meel aan ku laaban karno” ayey sii raacisay Samsam.
Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax waxay magangelyo weydiisteen dawlada Ingiriiska ee ay hadda martida u yihiin, waxaana codsigan uu yimid xilli la filayey in ciyaartoydan ay dib ugu laabtaan wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen.
Illaa hadda ma cada in dawlada Ingiriiska ay aqbashay codsigan ay u soo jeediyeen labada orodyahan ee Soomaaliya uga qeybgalay tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka dhacay London sanadkan.
Arintaan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa ayada oo dhawaan cayaaryahano ka socda dalka Kaamiruun ka baxsadeen halkii ay deganaayeen inta badana cayaaryahanada kasoo jeeda qaarada Afrika ayaa iska dhiiba dalalka Yurub marka ay soo gaaraan inkastoo arinka cayaaryahanada Soomaaliyeed uu ka duwanyahay kuwa kale oo aanay Soomaaliya lahayn dowlada sugi karta amaaka guud ee muwaadiniinteeda.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com