Waxaa maanta duhurnimadii dalka dib ugusoo laabtay, odayasaha dhaqanka Soomaaliyeed oo kasoo qayb galay shirarkii ka dhacay magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga.
Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa odayaasha kasoo dejisay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayada oo ay si diiran ugusoo dhaweeyeen halkaasna masuuliyiin ka tirsan dowlada kmg Soomaaliya iyo dadweyne kale oo fara badan.
Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay ku sugnaayeen magaalada Istanbul mudo isbuuc ka badan ayaga oo halkaas kagasoo qayb galay shirkii ay kasoo qayb galeen bulshada rayidka, qurba joogta, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada iyo weliba kii kale ee caalamiga ahaa ee looga arinsanayay aayaha dalka Soomaaliya kaasoo ay kasoo qayb galeen in ka badan 54 dowladood.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com