Sunday, May 26th, 2013

Oday dhaqameedyada Soomaalida oo maanta u amba baxayo dalka Turkiga.

Oday dhaqameedyada Soomaalida ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa maanta inay u amba baxaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaga oo casuumaad ka helay raisalwasaaraha dalka Turkiga Tayyip Rajep Erdogan.

Odayaasha ayaa lagu wadaa inay mudo dhow cisho ah ku sugnaadaan dalak Turkiga ayada oo mudooyinkii ugu dambeeyayba la hadal hayay safarka odayaasha dhaqanka.

Waxaa jiro warar sheegayo inay oday dhaqameedyadu ka qayb geli doonaan shirka ka dhici doono magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga kaasoo lagu wado inuu bisha soo socoto ee June ka dhaco halkaas.

Shirka Istanbul ayaa waxa uu daba socdaa kii ka dhacay bishii Febaraayo ee sanadaan magaalada London kaasoo ay soo qaban qaabisay shirkaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply