Oday dhaqameed caan ah oo lagu dilay Boosaaso.

Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu dilay maanta duhurkii suldaan si weyn looga yaqaanay gudaha deegaanada Puntland.

Laba nin oo dhalinyaro ah kuna hubeysnaa bistoolado ayaa waxa ay bartamaha suuqa sarifka magaalada Boosaaso ku dileen Allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse oo loo yaqaanay Onkod.

Kooxaha dilka u geystay suldaanka ayaa durbadiiba ka baxsaday halka ay dilka ku fuliyeen oo ahayd bartamaha suuqa sarifka magaalada Boosaaso ayada oo ay goor dambena halkaas soo gaareen ciidamada amaanka magaalada Boosaaso.

Suldaan Muuse Faarax Muuse, Allaha u naxariistee ayaa kamid ahaa salaadiinta sida weyn looga yaqaanay gudaha deegaanada Puntland isaga oo had iyo jeer ka qayb qaadan jiray nabadeynta iyo nabadgelyo kuwada noolaashaha dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.

Dhawaanahaanba waxaa kusoo badanayay deegaanada Puntland gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka magaca iyo maamuuska ku dhex leh bulshada inteeda kale.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID