Thursday, June 20th, 2013

NIN NORWEGIAN AH OO INTUU KHAMRI HABEEN ISKA BADIYAY, SUBAXDII IS ARKAY ASAGOO SWEDEN JOOGA.. SHEEKO QOSOL BADAN‏

Sheekadaan qosolka badan ayaa waxaa qoray jariirada thelocal.se oo soo xiganaysa booliska magaalada Gothenburg.

Ninkaan ayaa waxaa uu iska badiyay khamri habeen habenada kamid ah asagoo oslo norway jooga markaas buu kuyara gam,ay kursiga dambe ee gaarigiisa.misna intii uu hurdaayay ayaa waxaa arkay gaarigaan furaha kataagan laba gabdhood oo qiyaastii 30 jir ah kadibna gaarigii usoo kexeystay sweden. gabdhihii baa intii ay wadada ku jireen waxay arkeen ninkaan kursiga dambe u jiifa iskama aysan waalinee markii ay so gaareen magaallada gothenburg ayay xambaareen ninkii kadibna seexiyeen gidaar trainka laga raaco ee kuyaalla magaalladaas gothenburg.

Saacado kadib ninkii markii sarqaankii khamriga jirkiisa kabaxay ayuu kasoo toosay asagoo jiifa gidaar kuyaalla wadanka sweden, misna asagoo shoogsan ayaa waxaa uu aaday police ka kadibna siiyeen meel uu jiifto una soo helley gaarigiisii oo meel cidlo ah iska yaalla.

 

Mohamed Megan.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply