Nin miinadii uu ku aasayay inta u dhexaysa isgoysyada Baar Ubax iyo Black sea ayaa waxa uu noqday mid gebi ahaanba cad cad u kala go’go’ay sida ay wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho sheegayaan.
Ninka ayaa miinada markii uu god dheer u qoday oo uu damacsanaa inuu ku aaso halkaas ay isagii kula qaraxday meesha sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow dhow halka ay masiibadu ka dhacday.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa sababay inuu ninkii aasayay gebi ahaanba baa ba’o islamarkaasna uu wejigiisa gubto taasoo keentay in la aqoonsan waayo.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay magaalada Muqdisho qaraxyo miino oo inta badan ku qarxayay raggii aasayay taasoo keentay inta badan inay guul dareystaan miinooyinkii lagu aasi jiray wadooyinka magaalada Muqdisho si loogu wax yeeleeyo ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo weliba dadka ay Alshabaab u aragto inay kasoo horjeedaan danaheeda iyo hadafkeeda.
Qaraxii xalay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray qaar kamid ah ciidamada dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan booliska gobolka Banaadir.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com