Waxaa xalay mar kale lagu dilay magaalada Baydhabo nin la sheegay inuu ahaan jiray markiisii hore dalaal. Ninka ayaa waxaa dilay rag hubeysan ayada oo uu dilka ninkaasi imanayo saacado kadib markii isla shalay magaalada gudaheeda lagu dilay nin la oran jiray Aadan Xaydar oo ahaa nin oday ah.
Dilalka ayaa waxa ay ka noqdeen magaalada Baydhabo caadi ayada oo tan iyo markii ay magaalada u gacan gashay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa dowlada Itoobiya lagu dilay tiro dad ah taasoo inta badana eedeeda dusha loo saarinayo Xarakada Alshabaab inkastoo ay jiraan dilay ay sidoo kalena geysteen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Amniga Baydhabo ayaa u muuqda mid gacanta kasii baxayo maadaama ay dilalko soo noq noqdeen, dadka magaalada ayaa waxa ay qabaan inuu amniga aad u wanaagsanaa xiligii ay gacanta kuhaysay magaalada Xarakada Alshabaab oo hada ku sugan daafaha magaalada.
Wixii faah faahin ah ee kusoo kororta dilka ka dhacay Baydhabo kala soco shabakada wararka ee baidoamedia.com haduu Alle idmo.
Xafiiska wararka Baidoamedia
ee Baydhabo.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com