Tuesday, May 21st, 2013

Nin isaga oo nin kale wejiga ka cunaya toogasho ay ku dileen ciidamada booliska gobolka Florida. Layaabka aduunka. (Sawiro)

Magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh oo ay ka arga gaxeen dadka magaalada kadib markii uu nin dhalinyaro ah oo madowga Mareykanka ah wejiga ka cunay nin kale oo oday ah islamarkaasna cadaanka dalka Mareykanka ah.

Dhacdada oo ka dhacday wado dhinaceeda oo uu hooy ahaan u deganaa ninka odayga ah oo ahaa dadka derbi jiifka ah ayaa waxa uu Did Rudy Eugene oo dhowr iyo sodon sano jir ah wejiga kaga cunay  Ronald Poppo oo 65 jir ah.

Goobjooge ku sugnaa halka uu falkani ka dhacayay ayaa sheegay inuu isku dayay inuu ka bad baadiyo ninka wejiga ka cunayay odayga balse uu isagiiba kusoo jeestay islamarkaasna uu sidii xawaanka duur joogta ah camla u dhawaaqay taasoo baqdin gelisay goobjoogihii oo inta cararay xiriir la sameeyay booliska

Wax yar kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray askari boolis ah oo isku dayay inuu caawiyo odayga wejiga laga cunayay balse ninkii madowga ahaa oo khaawanaa marka uu falka geysanayay ayaa inta kusoo cararay askarigii booliska ahaa sidii xayawaanka camal ugu qayliyay taasoo askarigiina inta baqdin lasoo deristay rasaas ku furay ninkii dad qalatada ahaa.

Xabadii koowaad ee ku dhacday ninka dhalinyarada ahayd ayaan waxba u dhimin taasoo ku kaliftay booliskii inuu dhowr xabadood ku dhufto ninka sidiina ku dilo Did Rudy Eugene oo ahaa ninka wejiga ka cunayay odayga derbi jiifka ahaa.

Odayga wejiga laga cunay ayaa hada ku jiro isbitaal ayada oo ay xaaladiisu liidato sababo lagu sheegay in dhegaha iyo qaybo wejigiisa kamid ah iyo sanka oo laga cunay.

Ninka la dilay ee dad qalatada ahaa ayaa lagu sheegay inuu aad u isticmaali jiray daroogada taasoo loo aaneynayo inay qayb ka ahayd waxyaabaha ku qasbay inuu noqdo dad qalato balse weli dhakhaatiirtu kama aysan soo saarin wax natiijo ah baaritaano hada socdo.

ASKARIGA BOOLISKA OO DHINAC TAAGAN NINKA OO CUNAYA ODAYGA.

NINKII DAD CUNAHA AHAA OO LA DILAY

NINKII OO CUNAYA NINKA ODAYG AH.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply