Kooxo bistoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay habeenkii xalay ahaa toogasho ugu geysteen xaafada Mursal ee magaalada Baydhabo Maxamed Macallin Nuurow oo ay walaalo ahaayeen gudoomiye kuxigeenka gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow.
Allaha u naxariistee Maxamed Macallin Nuurow ayaa ku sugnaa xaafada Mursan xiliga dilka loo geysanayay ayada oo aan la garaneyn sababta loo dilay marxuumka.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay balse ilaa iyo hada majirto cid loo qabtay dilka marxuumka.
Marxuumka ayaa lasoo sheegayaa inuusan ku lug lahayn wax siyaasad ah.
Baidoa media.
Baydhabo janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com