Nigeria oo qaaday koobka qaramada qaarada Afrika. (Sawiro iyo Dhegaysi)

<

Kooxda Super eagles ee dalka Nigeria ayaa markii sadexaad ku guuleystay koobka qaramada qaarada Afrika kadib markii ay shalay 1-0 uga badisay kooxda qaranka Burkina Faso.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa waxa ay Nigeria heshay goolkii ay ku badisay kadib markii uu cayaaryahan Sunday Mba gool qurux badan u saxiixay dalkiisa.

Nigeria ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay cayaaraha qaramada Qaarada Afrika 1980kii xiligaasoo ay cayaaryahanada Nigeria kaga badiyeen dalka Algeria 3-0, mar labaad waxa ay 14 sano kadib Nigeria ka badisay Zambia 2-1.

Nigeria ayaa

cheap cialis online

hada waxa ay markii sadexaad noqotay horyaalka qaramada qaarada Afrika kadib markii ay shalay 1-0 kaga badisay dalka Burkina Faso.

Cayaaryahanada Nigeria ayaa qaadista koobka ka sokow waxa ay ku guuleysteen 1.5 malyan oo dollarka Mareykanka ah, hal milyan iyo bar dollarka Mareykanka ah, sidoo kale Nigeria waxa ay ka qayb gali doontaa cayaaraha qaaradaha ee ka dhici doona dalka Brazil halkaasoo ay la cayaari doonaan horyaalada caalamka ahna horyaalka qaarada Yurub Spain, iyo sidoo kale dalalka Tahiti iyo Uruguay.HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISHKA CAYAARAHA

Aadan Xasan Maxamed,

Baidoa media Sport.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID