Saturday, May 25th, 2013

Natiijadii cayaartii Real Madrid iyo Man City ee xalay.

Waxaa xaley  si rasmi ah loo bilaawey  Champion League ka cayaartii i ugu xiisaha badnayd caalamka iyadoo ciyaarta ugu kululeyd ay fooda is dareen Real Madrid iyo Manchester City.

waxaase si nasiib ah kooxdiisa u badbaadiyey Ronaldo isla markaana guul u horseeday kooxda Real madrid aaqir saacii ugu dambeysey waxayna cayaarta kusoo dhamaatey 3-2 oo ay guusha ku raacdey kooxda reer spain ee Real madrid.

Kooxda reer ingiriiska Man city xaley wey dadaleen laakiin sidii ay rabeen may aysan noqon maadaama laga badiyey aaqir sacii, mida kale xasuus mudan waxey tahay markasta Man city gool ay dhaliyaan Realmadrid isla markii ayey ku dhalineysey midaasi oo loo micneeyey in ay xaley Man city gadaasheeda furneyd ama ay san jirin wax difaac wanaagsan.

Iskusoo wada duubo waxaa dhiman cayaar Real madrid ay ku aadeyso ingiriiska laguna cayaari doono garoonka Itahad staduim midaasi ayaan eegi doonaa waxa iska badali doona natiijadii xalay.

 

Aadan Xasan Maxamed

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply