Nala daawo Aartiiste Daa'uud Cabdi Salaad (Colombo) iyo sheekadiisa,

<

Daa'uud Cabdi Salaad oo loo yaqaano Colombo waa aartiiste ama farshaxaniiste Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho. Daa'uud waxa uu kamid yahay farshaxaniistayaasha tirada yar ee ay xirfadoodu sareyso isaga oo bartay xirfada farshaxanimada sanadihii sideetamaadkii.

Daa'uud ayaa waxa uu fiidiyowga hoose kaga sheekaynayaa xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ka farshaxaniiste ahaan isaga oo sheegay in xiligii dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayay madaxweynihii geeriyooday Maxamed Siyaad Barre, ay jireen carwooyin lagusoo bandhigi jiray farshaxanka bal

cialis online

se hada aysan waxaas oo dhan jirin.

Farshaxaniiste Colombo ayaa waxa uu sheegay in qaar kamid ah asxaabtiisa ay ku dhinteen ayaga oo ku guda jira howshooda farshaxan islamarkaasna isaga lafsad ahaantiisa ay dhaawacyo soo gaareen.

Daa'uud ayaa waxa kale oo uu sheegay in ururka Alshabaab xiligii ay ku xooganaayeen magaalada Muqdisho ay u sheegi jireen inaysan fiicnayn shaqada farshaxnimada balse hada oo ay jirto dowlad aan kumeelgaar ahayn ay xaaladu sidii hore kasoo hagaagayso.

Farshaxaniistahaan Soomaaliyeed ayaa waxa uu hada tababar siiyaa qaar kamid ah carruurtiisa oo wiilal ah si buu yiri ay u noqdaan farshaxaniistayaal xirfad leh.

Bal nala daawada fiidiyowgan uu Daa'uud kaga hadlayo xaaladiisa iyo xirfadiisaba.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.

LATEST NEWS