Sunday, May 26th, 2013

Nabadoon Xaad oo ka hadlay dastuurka cusub.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed ee shirka ku leh magaalada Muqdisho islamarkaasna ah gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa ka hadlay arimaha dastuurka iyo ergayda lasoo xulayo.

Maxamed Xasan Xaad oo waxa uu sheegay inay jiraan qaladaadyo loo baahanyahay in la saxo isaga oo sheegay inaanay badnayn qaladaadyadaas.

“Kaliya waxaa jirta wax aan badneyd, odayaasha waxay dalbadeen in la saxo qaladaad ka jira Dastuurka, ka hor inta aan Ergada la soo xulin” ayuu yiri nabadoon Xaad oo dhanka kalena soo jeediyay in la fududeeyo talooyinka odayaasha dhaqanka lagana hor imaanin.

“In la helo Dastuur la aamini karo, Umada ay ku qanci karto, ma ahan in Odayaasha taladooda la fududeysto, in la yiraahdo waxaas talo kuma leedihiin, ee waxaan sameeya, in Dastuurka la saxo, ergadana la soo xulo, shaqana ay socoto, sidaas ayay caafimaadka ku jirtaa”ayuu mar kale yiri.

Hadalka nabadoon Xaad ayaa kusoo beegmaya xili dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaayeen ergayda ansixinta dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ayada oo ayna sidoo kale weli jiraan qaladaad weli ku jira dastuurka kuwaasoo u baahanyahay in xal loo helo.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply